Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gaandi library waa hanti dhalinyartu leedahay!!!

Salama eleikum
Dhamaan waan salaamaya, mareegta iyo shaqaleeheeda SCWB, kadib aan idinla wadaago fikirkan.

Waxaynu ognahay in waxbarashadu tahay mid kamida asaasayaasha nolosha, dalal farobadan oo aan lahayn ilo dhaqaale oo qaniya(potential Natural resources) in ay ku horu mareen, heerkooda Aqoomeed iyo da’yartooda oo wax baratay. In dhalinyaradu wax barato, waa talo ka timaada inta badan waalidka oo jecel ubadkoodu inay mustaqbal yeeshaan. Maah maah ingiriisiya ayaa tidhaahda , child with out education is like a bird with out wings, oo macanaheedu yahay, ilmo aan waxbarasho lahayn waa shimbir aan baalall lahayn, waxaynu ognahay dadka dayaxa tagay waxaa geeyey waa cilmi, dowladaha horumaray waxay aad ugu dadaal horumarinta heerka aqoomeed ee ubadkooda, Hadaba inaka madaxdeenu

maxay u hayaan dhalinyarada?!

Waxaa loo bahan yahay in dhalinyarada waxbaranaysa la dhiiri galiyo, lana tuso, waxxbarashadu inay tahay salaan meesha aad doonto aad ku fuuli karto, laguna caawiyo kaabayaasha waxbarashada, hadaba kawarama hadii wasaaradihii howshaas u xil saarnaa aanay dareensanayn, vission iyo missiona aanayy lahayn?

In badan waxaa dhacda garoomadii kubada lagu ciyaari jiray oo la dhisto la iibsado, maanta waxaa taagan in Gaandi library oo ahayd mid kamida rukumada waxbarashada in maanta larabo in albaabada loo xidho, arintaasi fikir ahaan waa qalad!! markii iskuulo ardayda kaafiyo la furay waxay ahayd in libraries( xarumo akhris) na la furo , si ardaydu u helaan goobo ay u doonan ka raan tix raac, waxaan hubaa hadii fikirkaasi si fiican loo hirgaliyo, dad badan oo qurbaha jooga in ay buug tixraaca oo fiican keeni lahayeen.Dalka waxaa ka dhisan kumanaan guri, lakin dhalinyarada , gaar ahaan ardaydu waxay ku leeyihiin schoolada , jamacadaha iyo libraryada waana meel ardaydu ku nastaan, waxna ku akhristaan, aqoon korodhsi iyo cilmi is dhaafsina ku sameeyaan, hadaba madaxda dalku gaar ahaan ciday khusaysaa ma waxay donayaan in ay dhalinyaradu ,marka ay schoolada firaaqo ka helaan inay maqaaxiyaha tagaan, oo dadka murmaya ee siyaasada ka sheekaynaya dhex qadaan, maya waa inay helaan ugu yaraan, garoomo ku ciyaaraan, iyo meelo wax ku akhristaan, waxaan dareensanahay Gaandi library in uu ahaa xarun dad is xilqaamay maamulaan, lakin waa hubaal waa tiir ama laabad u ifta dhalinyrada. Anigu waxaan ka mid ahaa, macaamiiishii Gaandi library sanadadii 2004- 2005 xiliigii aan ku jiray gabagabadii aqoontii Dugsiga sare, Gandi library wuxuu aaha meel aanu kusoo hirano, waxaanu ku kulmi jirnay arday kala duwan , heerar aqooneed oo kala duwana leh, waxaanu ku kulanay saxiibo farobadan oo aqoontu isku kaayo xidhay, degaantu waxay ahayd, goob aqoomeed farxad iyo dhoolo cadayni ka muuqato. wali waan xasuusta, waan ka mahad celinaya cid kastaa oo adeega suuro galisay walow aanan sifiican ula socon cida run garaysa. Hadaba Gaandi library wuxuu ka mid yahay hantida dhalinyarada, dhalinhyarada hanti intaa kabadan ayey u baahan yihiiin in loo sameeyo, maya maaha in hantidooda la boobo, waan waajib dowlada saaran, gaar ahaan wasaaradaha ay khusayso.

ninbaa la waydiiyey kawaran janada? wuxuu yidhi waxaan filaya inay sida libraryga(xarumaha akhriska) oo kale ( i think paradise is like library) hadaba taas macanaheedu wuxuu yahay, librarygu ama xarumaha akhrisku, ardayda waxay siiyaan aqoon , waxay ka dhigaan qaar faraxsan, waxaa ku kulma saxiibo cusub, waxayna ka helaan afkaar cusub iyo adeeg aan schoolada oolin, hadaba maxaa u diiday in dadka kuraasida imanaya ay yeeshaan fikir fog oo caafimaad qaba, ma filayo in arintaa madaxwaynaha lagu canaan karo, lakin cidii shaqada lehi, ha ilaaliyaan in ay librarydii furnaana furnaadaan, qaaar cusubna la furo!!

Mohamed Abdi Sayaqle
UK, bristol

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com