Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nuxurka Kulan Gar-naqsi ah oo Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland dhex-maray

Ergayntii Maxamed Nuur Carraale (Duur), Aqbalaaddii Guddoomiye Saleebaan, Garawshiiyihii Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxsuulka saacado La Isku Gar-dhigtey

Guddoomiyaha Golaha Guuritda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo dhiggiisa Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulankii u horreeyay yeeshay tan iyo muddadii uu khilaafku ka dhex qarxay labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).

Kulankan oo uu soo agaasimay Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa ka qabsoomay guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ka dib markii uu Guddoomiyaha Guurtidu aqbalay codsi uu Mr. Duur u gudbiyey, kaasoo nuxurkiisu ahaa inay kulmaan labada Guddoomiye ee Baarlamaanku.

Saleebaan iyo Cirro, ayaa kulanka ay foodda isku dareen kaga wada hadlay khilaafka ka taagan xeerka diwaangelinta Madaniga ah iyo cod-bixiyayaasha ee Xeer L/r37/2007, kaasi oo Guurtidu ku celisay Golaha wakiilada, markii sida la sheegay ay laba kala noqdeen xeerkii la ansixiyey iyo ka Guurtida loo gudbiyey.

Ilo-wareedyada uu Wargeyska Somalilandtoday ka helay xogta ku aadan kulankan, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu ka garaabay wax ka beddelka lagu sameeyay xeerkii gole-weynaha Wakiiladu codka aqlabiyadda ah ku ansixiyeen, isla-markaana uu jiro qaladaadka Guurtidu ku aragtey xeerka muranku ka taagan yahay. Hasa-yeeshee Guddoomiye Cirro ayaa wax ka beddelka khilaafku ka dhashay ee lagu sameeyay xeerkaasi ku moosey shaqaalaha wakiilada, gaar ahaan xog-hayayaasha xafiisyada Golaha Wakiilada iyo kuwo qaabilsan hadal qoraalka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aaden uu cudur-daarka dhiggiisa Wakiiladu ka bixiyey wax ka beddelka xeerka diwaangelinta kaga jawaabey in muhiimaddu tahay sixitaanka xeerkaasi, haddii qaladku dhanka Cirro ka yimid iyo haddii meel kale wax lagaga soo darayba.

Xogaha la xidhiidha kulanka dhex maray labada guddoomiye, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guurtidu uu dhiggiisa Wakiilada u sheegay in qalad kasta oo ku yimid xeerkaasi lagaga gudbi karo marka la saxo xeerka isla-markaana lagu celiyo sidii ay Golaha wakiiladu ku ansixiyeen, taasi oo Guddoomiyuhu ku sheegay xalka kaliya ee lagaga gudbi karayo khilaafka taagan.

Waxa la sheegay in Guddoomiye Cirro aqbalay dalabka Guddoomiye Saleebaan ee ah in la saxo qaladaadka xeerka ku jira. Balse waxa la iftiimiyey in Guddoomiye Cirro ku cawdey in eedihii ka dhashay wax ka beddelka xeerka diwaangelinta lagu moosay isaga iyo Xisbigiisa WADANI, laakiin Guddoomiyaha Guurtida ayaa cabashadaasi kaga dareen celiyay in cidda markii ugu horeysayba saxaafadda u cabatay ay ahayd Guddoomiye Cirro iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI. Xogaha Wargeyska Somalilandtoday ka helay kulankaasi ayaa sheegaya in Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden laftiisu uu dhiggiisa Wakiilada u bandhigay in aaney wax qabta ahayn eedaymo shaqsi ahaa oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xubnaha Xisbiga WADANI ahi warbaahinta u mariyeen Saleebaan Maxamuud Aadan. Isaga oo Guddoomiye Saleebaan ugu manno sheegtay Guddoomiye Cirro inuu si asluubeysan kaligii ula socodsiiyey in qaladaad ku jiro xeerka diwaangelinta ee Guurtida loo gudbiyey, halka isaga iyo masuuliyiinta xisbigiisu eedo is daba joog ah kaga jawaab celiyeen.

Kulankan oo ku dhamaadey is af-garad, ayaa waxa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka ballan-qaadey in dib loo saxayo wixii qaladaad ku jira xeerka diwaangelinta ee khilaafkiisu dalka hadheeyayGuddoomiyaha Golaha Guuritda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo dhiggiisa Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulankii u horreeyay yeeshay tan iyo muddadii uu khilaafku ka dhex qarxay labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).

Kulankan oo uu soo agaasimay Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa ka qabsoomay guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ka dib markii uu Guddoomiyaha Guurtidu aqbalay codsi uu Mr. Duur u gudbiyey, kaasoo nuxurkiisu ahaa inay kulmaan labada Guddoomiye ee Baarlamaanku.

Saleebaan iyo Cirro, ayaa kulanka ay foodda isku dareen kaga wada hadlay khilaafka ka taagan xeerka diwaangelinta Madaniga ah iyo cod-bixiyayaasha ee Xeer L/r37/2007, kaasi oo Guurtidu ku celisay Golaha wakiilada, markii sida la sheegay ay laba kala noqdeen xeerkii la ansixiyey iyo ka Guurtida loo gudbiyey.

Ilo-wareedyada uu Wargeyska Somalilandtoday ka helay xogta ku aadan kulankan, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu ka garaabay wax ka beddelka lagu sameeyay xeerkii gole-weynaha Wakiiladu codka aqlabiyadda ah ku ansixiyeen, isla-markaana uu jiro qaladaadka Guurtidu ku aragtey xeerka muranku ka taagan yahay. Hasa-yeeshee Guddoomiye Cirro ayaa wax ka beddelka khilaafku ka dhashay ee lagu sameeyay xeerkaasi ku moosey shaqaalaha wakiilada, gaar ahaan xog-hayayaasha xafiisyada Golaha Wakiilada iyo kuwo qaabilsan hadal qoraalka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aaden uu cudur-daarka dhiggiisa Wakiiladu ka bixiyey wax ka beddelka xeerka diwaangelinta kaga jawaabey in muhiimaddu tahay sixitaanka xeerkaasi, haddii qaladku dhanka Cirro ka yimid iyo haddii meel kale wax lagaga soo darayba.

Xogaha la xidhiidha kulanka dhex maray labada guddoomiye, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guurtidu uu dhiggiisa Wakiilada u sheegay in qalad kasta oo ku yimid xeerkaasi lagaga gudbi karo marka la saxo xeerka isla-markaana lagu celiyo sidii ay Golaha wakiiladu ku ansixiyeen, taasi oo Guddoomiyuhu ku sheegay xalka kaliya ee lagaga gudbi karayo khilaafka taagan.

Waxa la sheegay in Guddoomiye Cirro aqbalay dalabka Guddoomiye Saleebaan ee ah in la saxo qaladaadka xeerka ku jira. Balse waxa la iftiimiyey in Guddoomiye Cirro ku cawdey in eedihii ka dhashay wax ka beddelka xeerka diwaangelinta lagu moosay isaga iyo Xisbigiisa WADANI, laakiin Guddoomiyaha Guurtida ayaa cabashadaasi kaga dareen celiyay in cidda markii ugu horeysayba saxaafadda u cabatay ay ahayd Guddoomiye Cirro iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI. Xogaha Wargeyska Somalilandtoday ka helay kulankaasi ayaa sheegaya in Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden laftiisu uu dhiggiisa Wakiilada u bandhigay in aaney wax qabta ahayn eedaymo shaqsi ahaa oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xubnaha Xisbiga WADANI ahi warbaahinta u mariyeen Saleebaan Maxamuud Aadan. Isaga oo Guddoomiye Saleebaan ugu manno sheegtay Guddoomiye Cirro inuu si asluubeysan kaligii ula socodsiiyey in qaladaad ku jiro xeerka diwaangelinta ee Guurtida loo gudbiyey, halka isaga iyo masuuliyiinta xisbigiisu eedo is daba joog ah kaga jawaab celiyeen.

Kulankan oo ku dhamaadey is af-garad, ayaa waxa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka ballan-qaadey in dib loo saxayo wixii qaladaad ku jira xeerka diwaangelinta ee khilaafkiisu dalka hadheeyay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com