Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Wasiir CUKUSE Adeer Shaqadadii Waad Gabtay Ee Is Casil Oo Kamaad Soo Bixin Xilkii Lagu Igmaday. Adaa ka Masuula Saxaafaddaa Dalka Oo Dhan…..”Fuad Abdi Ismaaciil

Marka ugu horaysa waxaan caddaynayaa waxani laysku haystaa maaha qodob Constitutional ah,ee waa arin ay Ina dhaxal siisay inagoo ka leexanay jidkii Democratic-ga ahayd. Ragan Ku hirdamaya waxaan ummaddan dan ugu jirin bal waa iga su’aale ayaa doortay? Ilaa 2005 bay meelaha fadhiyaan ku dhow 10 sanno,taasi waxay keentay inay ogadeen inayna jirin shacab iyo cid la xisaab tamaysaba. Waxay markaa isku badaleen dilaalin utaagan kolba ninkii le Dan shakhsiyadeed inay u dilaalan. Way iloobeen shaqadoodii. Waxay Ku qaylayaan sidan” waxaa layku haystaa qodob 13, waxaa laysku haystaa qodob 13 “Su’aashu waxa weeyi waar inkaari idinku dhacdaye waa maxay qodob 13 ? Waxaan u badinayaa gacan shisheeye inay inagu jirto. Waxaanse u sheegayaa dilaalintan nin kastoo war baahinta soo horfadhiista in lala xidaabtami. Dawladnimadii iyo karamadii umadda waxaad Ku babiseen dilaalnimo eeduse waa shacabkan aydinaan ka baqan.

Ta Labaad ee dhibaatadan dalka haysata waxaa qayb way Kule, kuwan saxaafada isku sheega oo camera da iyo makarafoonada u qaatay inay Ku macashaan, tagana soo duubana been kasta , nacasnimo kasta, xamaasad abuurkasta, iyo qaran jabin kasta oo loogu yaadho si ay waxoogaa lacagta u qaatan. Ma jiraan company yo waawayn oo xukuma caruurtaan yayda ah ee yaacaya, majiro cid lagala xisaabtamo ama eeda qaadanaysa markay khalad galaan. Ma jiro company ay hoostagaan oo ka baqaya hadii suxufuyiinta tiisu qoran wax beena ama fafiyaan inay waayayaan sharciga ay Ku shaqaystaan, taasi waa masiibo oo wiilal yar yar oo camera do subaxdii la foof tagaya waxkastoo lacag siiya way duubi maxaa ka galay si ay ugu qayilaan. Saxaafada waxaan leeyahay adeerayaal dhexdhexaad noqda umada u soo gudbiya, warar saxa na in taydinaan warka faanina bal hubiya waxay aad sheegaysaan inuu dhabtahay. Waxaa u siidaran waa kuwan camera wata oo aad arkayso si cad, inay karamadii iyo sharaftii suxufinimada babiyeen.

Ugu dambayn tii waxaan leeyahay Wasiir Cukuse wasiirka warfaafinta adeer shaqadadii Waad gabtay ee is casil kamaad soo bixin xilki lagu idmaday. Adaa ka masuula saxaafa dalka oo dhan su’aasha wasiir cukuse waxa weeyi waar hadaad universal tv Ku eedaysay inuu dalka qaranimadiisa ka soo horjeedo maxaad u xidhi wayday caruurtan dalkii Hali’s galinaya adeer ?

Wabilahi tawfiiq

Fuaad Cabdi Ismaaciil

Fuad Abdi Ismaaciil

Barre Wax Ka Dhiga Minneapolis Public Schools

Hayaannews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
xigasho

Email:janaale94@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com