Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jananka uugu sareeya Ciidamadda Booliska Somaliland Sareeye guute C/laahi Fadal Imaan waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay qaabkii Ciidamadda Boolisku U soo qabteen ilaacad FM-ah taas oo in mudo ahba sifo sharci daro ah uuga hawla galaysay gudaha magaladda Hargeysa.

Jananka uugu sareeya Ciidamadda Booliska Somaliland Sareeye guute C/laahi Fadal Imaan waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay  qaabkii Ciidamadda Boolisku U soo qabteen ilaacad FM-ah taas oo in mudo ahba sifo sharci daro ah uuga hawla galaysay gudaha magaladda Hargeysa.

Sareeye Guuto C/laahi Fadal Imaan maruu u waramayay Ilaacadda VOA-ayaa uu sheegay in hawlgalo iyo baadhitaan qaatay in mudo ah ay ku gulaysteen qabashada Radio Baadi-Goob oo ka shaqaynaysay gudaha magaaladda Hargeysa gacantana ay ku hayaan ilaacadda iyo tiro ka mida shaqaaalaha ilaacadaasi, Taliyaha oo arimahaasi ka hadalaayna waxa uu yidhi “Sidaad ka war qabteen waxa jirtay idaacad sharcidaro ah oo habeenkii Hargeysa laga dhegayan jiray ciidankuna waxa ay ku jireen xuuraan iyo baadhis Sagaalkii habeen nimo iyo daqiiqado ayay ciidamadu ku guulaystay qalabkii oo dhan oo ilaacadii hadlayso iyo afar shaqaale ah, ilaacadu waxa ay ahayd mid sharci daro ah oo khatar ku ah nabadgelyada, eedaysanayashana waxaanu horgeynaynaa sharciga” ayuu yidhi taliye Fadal.

 

Taliyahu isga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in shaqaalaha laqabtay sadex kamid ah ay sitoosa ugu jireen shaqada iyo tebinta Ilaacadda waxana uu yidhi “Tabkasta iyo xeeladkastaa waa hawl ciiidan eedaysanayaasha sadex kamid ah hawshan ayay gacanta kula jireen waxaana socota baadhis waxaan sal iyo raad toona lahayn oo barobagaando ah ayay baahinayeen” ayuu ku soo kobay taliye Fadal Imaan Hadalkiisa.

Ilaacadan nooca FM-ka ah ayaa gudaha magaladda Hargeysa ka hawl geelaysay mudo Bil iyo dheerada ku dhow waxana ay baahinteeda ku bartilaamasan jirtay xukuumadda Somaliland oo ay kaga baahin yireen wax yaabo ka dhan ah dawladda iyada oo lo malaynaayo inay gacan saar laleedahay Xisbiyadda mucaardka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com