Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Cali Guray, ayaa Xukumadda ku duray sidii ay uga falcelisay Suldaanka reer Awdal ee sheegay inuu Somaliland dagaal la galayo, isagoo tilmaamay inay ahayd in Xukumaddu ka war sugto hogaanka dhaqanka Awdal ee isxilqaamay.

Mujaahid Cali Guray, ayaa Xukumadda ku duray sidii ay uga falcelisay Suldaanka reer Awdal ee sheegay inuu Somaliland dagaal la galayo, isagoo tilmaamay inay ahayd in Xukumaddu ka war sugto hogaanka dhaqanka Awdal ee isxilqaamay.
Cali Guray waxa uu tilmaamay inaan hadalka Suldaanku u qalmin Ciidamada iyo madaxda Xukumaddu u dirtay Awdal “Sidiiyoo Awdal guuto camaaray ihi ku habsatay waxa ciidan ku sii qulqulaya Boorame iyo inta gurmad la iska daba geeyay waynu wada ognahay in aanay wax kale jirin oon hadalkii Suldaan Wabar ahayni, taasina ay ahayd in lala tashado oo laga war sugo hogaamiye dhaqameedka Awdal ka hor inta aan Awdal col la gelinin. Tan kale waar Madaxwaynuhu hadii ay jirto in dalkiisa ay xaalad adagi la soo deristay miyaanay ahayn in isaga laftiisu dadka wax u sheego, odayaasha Awdal la tashado, intii uu talo bidayana wax waydiiyo”ayuu Cali Guray ku yidhi Qoraal uu Boggiisa Facebook ku baahiyay.
Cali Guray oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxan uu meesha ku haysto een caqli iyo cilmi iyo garasho toona lahayn lacag urursi mooyaane miyaanay haboonayn inuu yidhaa talaabo lama qaadi karo aniga la’aantay mise isaga laftiisa ayaaba waali-duulka ku dhacay Awdal dabada ka riixaya oo waa cadhadii xildhibaabadii Awdal ee fashiliyay shirqoolkii inqilaabkii wakiilada ee dhicisoobay iyo aar goosi iyo gocasho dambe.”
Cali Guray waxa uu ku macneeyay falcelinta Xukumadda ee Hadalka Suldaanka mid ay si khaldan uga jawaabeen Siyaasiyiin Socod barad ah “Sida loo maamulay arinka Suldaan Wabar sax maaha surma seegtooyinkuna way tiro beeleen. Caqliyada siyaasiyiinta curdinka iyo caydinka ah fal xumadooda iyo surmo seegtooyinka ay gelayaan waxa ay xalisho daayoo waxa suurtogal ah inay xaaladda uga sii daraan. Waxa ka daran Madaxwaynuhu inaga ayuun buu inoo Madaxwayne yahaye iyagu isagay Madaxwayne u yihiin oo waxii kasta ey iyagu wataan kama hor iman karo inu ” hayee iska wata yidhaa mooyee”, hadaba iska wata dad ma kala saari kartaa?” ayuu Cali Guray yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com