Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo qaatay oo ay Jabuuti ku maqnaayeen

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo qaatay oo ay Jabuuti ku maqnaayeen.

Madaxweynaha ayaa Lagu soo dhaweeyay Madaarkaa Haargeysa “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay aniga iyo weftigaygu inaanu dalka ku soo nabad noqono” ayuu yidhi Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn Jabuuti oo aanu ka helay marti qaad aanu kula kulmaynay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekd  Maxamuud iyo weftigiisa, anagoo ka wada hadlaynay danaha labada dal iyo wixii inaga dhexeeyay iyo wixii aynu isku khilaafsanayn, inagoo og inay yihiin dal aynu walaalo nahay oo aynu madax banaanideena kala noqonay oo haddana ay dunidu ay  wada hadal inoo furtay oo aanu ka dhaadhicinaynaynay Qaddiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si aada ugu mahadceliyay Madaxweyaha Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com