Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Musharax Wariye Xuseen Xarbi oo Dar Dar galiyay u diyaar garawga doorashada baarlamanka ee 2015

MUSHARAX WARIYE XUSEEN XARBI OO ah musharaxiinta u taagan tartanka doorashooyinka baarlamanka ee 2014 ayaa taageerayaashiisa ku wacyigaliyay inay qaataan kaadhka dhalashada ama mawaadinka ee jamhuuryada somaliland si ay taageerayaashiisu ugu fududaato qaadashada kaadhka codbixintu isagoo ku booriyay dhamaan taageerayaashiisa inay taageero adag oo geesinimo leh la dhinac istaagaan

dhinaca kale musharaxa wariye xuseen xarbi ayaa sadexdii maalmood ee u danbeeyay kormeer arintaasi ku saabsan ku soo maray deegamada caaaadaadlay weeraarta iyo dararwayne oo ka tirsan gobalka maroodijeex iyo deegaamada abdaal mandheera iyo berbrea oo ka tirsan gobolka saaxil.isagoo kulamo la qaatay odayaasha dhalinyarada hawaanka deegaamadaasi.klana hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii loogu diyaar garoobilahaa doorashada soo socota isagoo sidoo kalana u soo bandhigay hadii uu ku guulaysto doorashada inuu dabooli doono baahiyo badan oo loo baahnyahay deegaanadaasi
dhamaan kulamdii uu musharax xuseen xarbi la qaatay waxgaradka iyo odayaasha deegaankaasi ayaa ku dhamaaday guul iyo is afgarasho balaadhan iyagoo shacbigaasi u balan qaaday inwacadkaasia aanay cid kale uga baydhayn hiilna la garab istaagai doonaan iyagoo cadeeyay in ay ku kalsoonyiin waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa iyo firfircoonaantiisa yahayna musharaxa runta ah ee isagu ugu hor iclaamiyay ka qayb qaadashada doorashada isagoo ah nin dhalinyaro ah oo labaatan sano in ka badan waayo aragnimo xaga saxaafada ku soo jiray oo la socday siyaasada iyo marxaladihii kala duwanaa ee dalka uu soo maray
musharax xuseen xarbi waxaa uu ugu danbayn markasata u mahad celinaayay sida quruxda badan ee loo soo dhwaynaayay10603272_736176903103228_6042784152062308626_n10603272_736176903103228_6042784152062308626_n10603272_736176903103228_6042784152062308626_n

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com