Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Nac-Nac Oo Weeraray Boqor Buurmadaw, Difaacayna Xukuumada Siilaanyo.

” Nac Nac Buurmadaw waxaan leeyahay dawlada uu la jooga ee Imaaraadka in la baadho ka hor intaanu dalka imin, halkan waxa ku sugaya Dr Gaboose oo u diyaar ah baadhistiisa, maaha nin waxa uu yidhaahdo la aamini karo wuu iska hadlaa mar walba, Madaxweynaha caafimaadkiisu waa uu wanaagsan yahay oo waxba ma qabo shalay waad joogteen markii shahaadada la gudoonsiinayay waa nin caafimaad wanaagsan haysta imika, ummada ayaa doortay oo aamintay Buurmadaw waxa uu ka daba waashay Qadafiga Libya ee boqray”

Hargeysa (maantasomaliland) AP.4, 2011- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta si ba’an u weeraray boqor Cismaan Aw Maxanuud (Buurmadaw) oo ah hogaamiye dhaqameed si weyn looga yaqaano Somaliland, kaasoo toddobaadyadii u dambeeyay waraysiyo uu siiyay qaar ka mida saxaafada dalka ku soo bandhiy dhalihii xukuumada .

Xildhibaanka oo maanta saxaafada kula hadlaya xarunta golaha wakiilada Somaliland ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay boqorka in uu khal-khalgalinayo amaanka wadanka isaga oo ugu faa’iidaysanaya ujeedooyin gaar ah, waxa uu xadgudub qaawan ku tilmaamay xildhibaan Nac-Nac hadal ka soo yeeshay boqorka oo sheegay in Madaxweynaha uu caafimaadkiisu aad u liito oo aanu sii hogaamin karin dalka, waxaana uu sheegay in hadalkaas uu meel ka dhac ku yahay karaamada Madaxweynaha, isla markaana aan dul qaadan Karin sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in boqorka qudhiisu uu baahan yahay in lagu sameeyo baadhitaan caafimaad, maadaama uu ay hadaladiisu ahaayeen kuwo iskhlilaafaya oo aan la rumaysan Karin kana fog xaqiiqda, waxa uu yidhi Nac- Nac” Buurmadaw waxaan leeyahay dawlada uu la jooga ee Imaaraadka in la baadho ka hor intaanu dalka imin, halkan waxa ku sugaya Dr Gaboose oo u diyaar ah baadhistiisa, maaha nin waxa uu yidhaahdo la aamini karo wuu iska hadlaa mar walba, Madaxweynaha caafimaadkiisu waa uu wanaagsan yahay oo waxba ma qabo shalay waad joogteen markii shahaadada la gudoonsiinayay waa nin caafimaad wanaagsan haysta imika, ummada ayaa doortay oo aamintay Buurmadaw waxa uu ka daba waashay Qadafiga Libya ee boqray”

Boqorka Aw Cismaan waxa uu hore u shaaciyay in ay talada hayaan maamul isugu jira Kooxo kala jaad ah oo ay ka mid yihiin Islaamiyiin oo doonaya in ay xukun la mida ka Alshabaab ku maamusho qaybha ay ka liso ee Soomaaliya ku soo rogaan Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com