Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Booliska & Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Qarax Miino Oo Saaka Ka Dhacay Hargeysa Iyo Magacyadda 21 qof Oo Dhaawacyo Kala Duwan Ka Soo Gaadheen.

Taliyaha Ciidanka Booliska & Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Qarax Miino Oo Saaka Ka Dhacay Hargeysa Iyo Magacyadda 21 qof Oo Dhaawacyo Kala Duwan Ka Soo Gaadheen.

Hargeysa (Ramaas) Aprill 5,2011– Taliyaha booliska Somaliland Md Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa ka mar dhawayd ka hadlay qarax miino oo saaka ka dhacay badhtamaha suuqa Magaaladda Hargeysa.

Taliye Cilmi Kabaal, waxa uu sheegay in ninka miinada qaraxday sitay uu ahaa qof aan maskax ahaan fayoobayn, isla-markaana bamku dhulka kaga dhacday dabadeedna qaraxday iyadda oo suuqa laga buuxo “Ninka wax qarxiyey nin waalan ayaa la iigu sheegay, miino F1 ah oo sitay ayaa dhulka kaga dhacday wayna qaraxda isagiina wuu dhaawacmay oo dhakhtarka ayaa la dhigay, dad kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay, hawshana waala baadhayaa.”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Agaasimaha cisbitaalka guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa Dr Carabayto oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dadka qaraxa miinada ku dhaawacmay tiro ahaan yihiin 21 qof oo qaarna dhaawacoodu fudud yahay qaarna culus yahay.

Intaa ka dib waxa shabakada wararka ee RAMAASNEWS.COM u suurto-gashay inay helaan magacyadda 21-la qof ee qaraxa ku dhaawacmay, waxayna kala yihiin

1 – Maxamuud Yuusuf Baxnaano

2 – Maxamed Cawil Xayd

3 – Mustafe Fahad Jaamac

4 – Hinda Jaamac Axmed.

5 – Maxamed Cabdi Aaden

6 – Farxaan Caydiid Sugaal

7 – Ismaaciil Cabdiqaadir Axmed

8 – Maxamed Cilmi Liibaan

9 – Hibo Xirsi Nuur

10 – Sucaad Xirsi Nuur

11 – Cabdilaahi Jaamac Maxamed

12 – Shaadiya Cabdilaahi Nuur

13 – Rashiid Jaamac Axmed.

14 – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen

15 – Daahir Ducaale Digaale

16 – Cabdirisaaq Maxamed Axmed

17 – Maxamed Caydiid Xasan

18 – Xasan Aaden Xaashi

19 – Faadumo Maxamed Guuleed

20 – Faysal Maxamed Axmed

21 – Maxamed Cabdi Aaden

Ramaasnews Desk

Hargeisa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com