Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tiro-koob Madax-taabasho Ah Oo Lagu Sameynayo Booliska Gobolada Awdal Iyo Salal

Hargeysa (maantaSomaliland)- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa hawlo Tiro koob iyo wacyi gelin ah ka bilaabay sadhigyada iyo fadhiisimada Ciidamada booliska ee Gobolada Awdal iyo Salal, waxaanay daraasad ku sameynayaan xaalada nololeed iyo agab ee ciidanka booliska.
Saraakiishaasi oo uu hoggaaminayo Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Ciidanka Booliska Axmed Cali Maygaag waxa xubno ka ah Taliyaha Qeybta Booliska Maroodi-jeex Cabdi Muuse Cabdilaahi iyo Taliyaha Qeybta Isgaadhsiinta Xuseen Maxamed xasan.
Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Ciidanka Booliska Axmed Cali Maygaag, ayaa saxaafada u sheegay in socdaalkoodan oo qaadan doona muddo lix cisho ah ay tiro-koob madax taabasho ah ay ku sameyn doonaan fadhiisin iyo rug kasta oo Ciidanka Boolisku ka degan yahay gobolada Awdal iyo Salal.
“Waxaanu fulinaynaa tiro koob, wacyigelin iyo sidii aanu warbixin dhab ah uga keeni lahayn xaalada guud ee ciidanka booliska ee labadan gobol,”ayuu yidhi Axmed Cali Maygaag.
Ma aha markii u horaysay ee Tiro-koob lagu sameeyo ciidamada kala duwan ee dalka tan iyo markii xukuuadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ay tallada dalka la wareegtay

maxamed cali jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com