Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mida culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa aad u dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (maantasomaliland) Apr 6, 2011– Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mida culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa aad u dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Siilaanyo ee xuska maalinta aasaaska ururka SNM oo ah jabhadii dib uu celisay madaxbanaanida Somaliland sannadkii 1991-kii ka dib dagaalo lagu hoobtay oo ay la galeen taliskii Maxamed Siyaad Barre oo xasuuq baahsan u gaystay shacabka Somaliland.

Sheekha oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalintaas oo lagu qabtay hoolka hay’ada shaqaalaha dawlada ee Magaalada Hargeysa, ayaa ayaandaro ku tilmaamay sababta oo Madaxweynuhu ugu maqnaaday xuskan, maadaama oo uu ahaa hogaamiyhii ugu muddada dheeraa hogaanka jabhadii SNM, isla markaana uu Madaxweynihii jagada ugu horeeyay ku eedeeyn jiray in aanu ahmiyad siin xususka halgankii dalka loo soo maray, waxaana uu Sheekhu in aanu fahmi Karin sababta keentay uu Madaxweynuhu ugu soo qaybgali waayay maalintan.

Waxa uu sheegay in maalintan ay tahay maalin weyn oo ku xardhan taariikhda dalka oo looga baahan yahay xukuumada talada haysa in ay waynayso xususka maalmaha halganka, waxaana uu yidhi” Waxa ay ahayd in uu Madaxweynuhu ka soo qaybgalo munaasabadan maadaama oo lagu doortay halgankii uu soo galay, laakiin waa nasiib daro baaqashadiisu, waa khasab in uu hawlkasta oo uu hayo u baajiyo xuska maalinta”

Xukuumada Somaliland ayaa sannadkan ku xustay maalinta aasaaska SNM xaflad lagu qabtay meel xidhin oo ay ka soo qaybgaleen dad tiro yar oo la martiqaadaay xuskan ayaanu idiin soo galin doonaa khudbadihii laga soo jeediyay

maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com