Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxgaradka Deegaanka Widhwidh oo Daboolka Ka Qaaday inay Ka Qayb qaadanayaan Wada Hadalada nabada

(maantaSomaliland.com)- Waxgaradka Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa shalay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay aqbaleen baaqiii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu baaqay waxgaradka gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.
Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Widhwidh, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaaladaasi, waxay sheegeen inay doonayaan inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo sidii colaada ka jirtey deegaanadaasi loo soo afjari lahaa.
Caaqil Cali Maxamed Xirsi oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shirar dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku yeesheen degmada Widhwidh, waxaanu yidhi “Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka shirar aanu yeelanay ka dib waxaanu gaadhnay nuxur ahaan saddexdan qodob oo kala ah:
1) In waxgaradka iyo bulshada deegaanka Widhwidh si buuxda uga shaqeeyaan nabadgelyada deegaanka Widhwidh.
2) In beesha deegaanka Widhwidh ay ka hortagto wixii nabadgelyada waxyeelaya ee hurinaya oo aanay gacan siinin cidii fadqalalo ka wada dalka.
3) Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka Widhwidh ay ka qaybgalaan wada hadalada nabadeed iyo kulamada turxaan bixinta ee madaxweynaha JSL hore ugu dhawaaqay.”
Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta kooxda SSC Kayse Cabdi Yuusuf, oo ka hadlay shirkaasi ayaa uga mahadceliyay waxgaradka deegaankiisa, go’aankooda la xidhiidha inay ka qaybgalaan wada hadalada nabadaynta iyo kulamada turxaan bixinta ee madaxweynaha JSL uu dhowaan ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.
Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay wax la qabato dadweynaha deegaanka Widhwidh ee ay adeegyada bulshadu aad u liitaan.
Kayse wuxuu uga xogwaramay cuqaasha iyo waxgaradka kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay inuu kala hadlay xukuumada sidii wax loogu qaban lahaa deegaanka Widhwidh

xuseen xarbi

maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com