Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimihii waaxda Farsamadda Ee Idaacadda Raadio Iyo Telefiishanka Qaranka ibraahin shiine Oo Ciidamadda C.I.D Xabsiga Dhigeen.

Hargaysa (maantasomaliland) Ap 7,2011- Agaasimihii waaxda farsamada ee ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland, gaar ahaan Idaacada Radio Hargaysa iyo Televishanka qaranka Mr Ibraahim Ibraahim Axmed Maxamed (Shiine), ayaa la sheegay in ciidamada dambi-baadhista ee CID-du xidhay Maanta abaaro 11:30 duhurnimo.

Ma jiro war rasmi ah oo xadhiga masuulkan ka soo baxay, balse wararka aanu helayno ayaa sheegaya in xadhiga Ibraahin Shiine ay amreen masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland, iyagga oo la sheegay inay ku eedeeyeen inuu diiday inuu wareejiyo xilkii agaasimaha farsamada ee dhawaanta laga casilay.

Sidoo kale, warar aan lagu kalsoonayn ayaa tibaaxaya in agaasimihii hore ee farsamadda wasaaradda warfaafinta ayaa tibaaxaya in lagu xidhiidhay hees lid ku ah dawlada Itoobiya oo dhawaan laga sii daayay idaacadda Radio Hargeysa, taas oo dawlada itoobiya cabasho ka muujisay.

Wixii war ee ka soo kordha xadhiga Ibraahin Shiine kala soco shabakada wararka ee maantasomaliland oo u heegan ah sidii ay bulshada ugu soo gudbin lahayd warar dheeli tiran

xuseen xarbi

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com