Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi (SULDAANKA BEESHA AXMED CABDALE ) EE EE ARAB Oo Suldaanka Guud ee beelaha ARAB Ku Taageeray Garnaqsigii Madaxweyne Siilaanyo, Raali Gelina Ka Bixiyay Hadal Uu Mudane Ka Tirsan Wakiiladu Ku Weeraray

suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi (SULDAANKA BEESHA AXMED CABDALE ) EE EE ARAB Oo Suldaanka Guud ee beelaha  ARAB Ku Taageeray Garnaqsigii Madaxweyne Siilaanyo, Raali Gelina Ka Bixiyay Hadal Uu Mudane Ka Tirsan Wakiiladu Ku Weeraray

Hargeysa(msl)Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi (Suldaan Laydh) Oo ka mid ah madax-dhaqameedka Beelaha Arab ayaa raali gelin ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), kaas oo uu ku durayay Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi Qoraal uu ku saxeexan yahay u qaybiyay Warbaahinta Madaxa banaan ayaa yidhi “In La Noqdo Suldaanka Guud ee Beelaha Arab waa Abtirsiin iyo waliba taariikh fac hore leh oo la iska dhaxlay, waana raad raac soo jireen ah.

Arab waxa maanta suldaanka Guud u ah oo aanu ku taageersanahay, kulana shaqaynaynaa Suldaan Cumar

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka dhaxlay aabihii Rabbi Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Waxa aan raali gelin ka bixinayaa hadalkaas ka soo yeedhay Xildhibaanka, waxaanan xasuusinayaa maah-maahdii ahayd Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan, hadii suldaanku (Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax)  uu  ka hadlay baahiyaha ka jira deegaamada ay beeshu degto, wax uu dhimay ma jirto, waanan la qabnaa balamihii hore waxa ka fulay maahee kuwa badan ee hadhayna in ay xukuumadu wax ka qabato oo ay ku darsato xisaabta” Ayuu Yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com