Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Jawaabay Wadani Iyo Buubaa

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa su’aal geliyey sababta xisbiga Waddani uga soo qeybgeli waayey xafladii xilwareejinta daladda Sonyo, isla markaana sheegay in la hubsado sababta maqnaanshahooda, oo muujinaysa in wax dhiman yihiin.

muuseGuddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay xaflad madaxda cusub ee ururka Sonyo kula wareegayeen xilka ayuu sheegay in xisbiyada mucaaradka looga baahan yahay inay lafo-guraan dhaliilaha xukuumada, isla markaana soo jeediyaan talaabooyinkii looga bixi lahaa, inta ay hadal aan macno lahayn ummada la hortaagan yihiin.

Md. Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlayey sababta xisbiga waddani uga soo qeybgeli waayey xaflada Sonyo ayaa sheegay in maqnaanshahoodu wax tilmaamayo

waxaanu yidhi,
Mid baan tebayaa qolada SONYO miyaanay xisbiga waddani casuumin, ilayn dadku waa qoloqolee, arrinaa aanu hubsano, ilayn waxbaa dhiman hadduu xisbiga Waddani maqan yahee.

haddii dalka la doonayo in hore loo mariyo, haddii dalka la doonayo in nabadiisa tiirar adag loo sameeyo, siyaasadiisa mustaqbalka fog iyo himiladiisa qorshe loo dhigo, haddii dalka la doonayo in qaranamadiisa la daafaco, haddii la doonayo in shacabka dalku isdhexgalo waa in la hawgeliyaa dhalinyarada dalka ee mustaqbalka leh. Waxii halkaa laga sheegay dhamaantood waa barnaamijkii SNM ee xukuumada maanta joogtaa fulisay, dhamaantood waa barnaamijkii xisbiga Kulmiye dadka u ballanqaaday ee xukuumada joogtaa fulisay. Waanu sheeganaynaa haddii qaarkiin aanay taa qirayn.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii qorshe loogu diyaarin lahaa dhalinyarada sannad walba shaqada u baahan waxaanu yidhi, “Somaliland waa afar milyan, sannad walba afartan kun oo dhalinyaro ayaa suuqa shaqo-doonka soo gelaya, taasi waxay u baahan tahay hogaan-wadareed mustaqbalkaa ka wada talisa, oo dastuurkeenu sheegay dalka waxa hogaaminaya xisbiyada badan. Saddexda xisbi waa hogaan wadareed loo baahan yahay inay siyaasada waddanka jihada wanaagsan u jeediyaan. Annagu xisbi ahaan waxaan aaminsan nahay in xisbiyada dalku ka yihiin hogaan wadareed siyaasada dalka, oo curiya siyaasadaha laga baxay ku tartama, adakaysi leh marka dhibaatadu jirto, oo lexejeclo waddan leh. Xisbiga kulmiye ceeb iyo nusqaan ayuu u arkaa in xisbiyada qaranku maalin walba ku meeraysataan hadalo cay, qof nacayb iyo kala firdhin, balse looga baahan yahay in xisbiga talada haya dhaliilihiisa intay lafo-guraan soo jeediyaan talaabooyinkii looga bixi lahaa. Laakiin maalin walba inaad sodogii cayno, sodohdii cayno, inantii cayno, xisbinimo maaha, siyaasad maaha, dhaqan maaha, islaanimo maaha, taana maaha inaan caayayo xisbiyada mucaardka ee naftayda ayaan ka waaninayaa, xisbiga kulmiye ayaan ka waaninayaa, xukuumada ayaan ka waaninayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com