Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Inaadeerkaa , Gar iyo Gar-daroba u hiili

Hawraar Murtiyeed , Soo-jireena ayaa ahayd ” Walaalkaa/Inaadeerkaa Gar iyo Gar-daraba ugu hiili , hawraartaas oo Soo bixiteenkii Islaamkana laggu sharciyeeyey , lagguna Saxay Ujeedadii ay lahayd .

Hadaan , kusoo dhawaado , Ujeedayda Hawraartan , Waxaa in dhawaale ah ba soo socotay , Muranka iyo buuqa ka dhashay ,Shirwaynihii 7aad ee Daladda ururadda dhalinyaradda ah ee Sonyo .

Shirkaas oo aanan anigu ka mid ahayn , Ergooyinkii ka qayb galay iyo goob joogayaashii , haddana waxaan ka mid ahaa , dadka sidda dhaw ula socda ishana ugu haya , hadba halka uu marayo , sidaa daraadeed , kol haddii maanta Xukuumaddu goaan ka gaadhay , waxa ila quman

inaan hal eray ka idhaahdo .

Siddii la wadda arkayey , Shirkaasi wuxuu ka qabsoomay , Hoteelka Ambasador , isagoo ku talla galkiisu ahaa , inuu socdo muddo saddex cisho ah , lagguna soo doorto , Hogaankii Daladda hogaamin lahaa , 2 sanno ee soo socda .

Shirkaasi wuxuu ka qaloocday oo Khilaaf ku bilaabmay Markii uu bilaabmayba , waxaana hadheeyey muran iyo Khilaafyo ku saabsan arrimo farsamo oo la isku hayey .

Siddii caadada ahaydna , Shirgudoonkii shirka hogaamin lahaa , iyo qiimayntii Daladda Mudada 2 sanadooda ee Hogaankii horre xilka hayey qiimaynteedda la islama gaaadhin , Xeerarka Daladda ( Sonyo) Sixitaankeedda iyo Kaabis iyo kordhinteedana lama haleelin , hassa yeeshe , waxaa shirkii qarqisay oo ka xoog badatay , Xamaasadda tartannka oo noqon lahayd maalinta ugu dambaysa shirka iyo xidhitaankiisa .

Dhalinyaraddii Daladda Sonyo , way dhalin yaroobeen waanay is qabteeen , shirkiina wuu ka marin habaabay , intaasi waa warka guud iyo gundhigga xaajadda meesha taalay .
Waxaa ina soo gaadhay , oo Warbaahinta qaybahadeeda kala duwani inoo soo gudbiyeen , In shirkii laggu kala cadhooday oo qaybihii tartamayey qayb ka middi shirkii ka dareertay , kana baxday , qoladdii shirka ku hadhayna ay doorteen Gudoonkii Daladda , ( Board of Directars) laakiin ay ku simeen in Guddoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa la isku soo gaadho , oo la doorto iyaddoo la isu dhan yahay , oo aanay koox ahaan gaar u dooran hogaan , iyaddoo Daladdii badh maqan yahay .

Haddaba xaajaddu markay halkaa marayso , waxaa haboonayd in la isku soo gaadho , dhalinyaradda loo caqli celiyo shirkaa la isku qabtayna , la isku celiyo .

Xukuumadda Somaliland , Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo W/Qorshaynta ayaa doorkeeddii lasoo gaadhay iyo cidii kale ee danaynaysaba , gurmad iyo tallo waxay ka gaystaanba .

Haddaba waxaa naxdin lahayd in qaybtii shirka ka baxday ,ay Gudoomiye cusub iyo ku xigeen ku doorteen Xafiiskii Daladda , kooxdii shirka ku hadhayna goob kale ku doorteen iyana hogaan ( Gudoomiye iyo ku xigeen)

Halkaa waxaa ka muuqata inaan labaddii garab isu garaabin , kuna guulaysan inay qabtaan shir loo dhanyahay si guudna wax u wadda doortaan , Xukuumadda iyo qaybaheeduna ku guul daraysteen inay Daladda dhalinyaradda ku guntadaan , xalinta khilaafkeedana daweeyaan .

Haddaba , Gar waa loo wadda Islaame , Xukuumadda Somaliland iyo Wasaaradda Ciyaaraha waxaa ku ceeba oo ay dhaliili ugu jirtaa inay xalin kari waayeen , khilaafkaasi intuu cusbaa een aan shirku burburin , intii ka danbaysayna aanay xal u helin iyo maarayn .

Garabka la caleemo saaray , waxay iyana la yimaadeen caado cusub oo aan horre loogu arki jirin Shirwaynayaasha , Koox shir ka cadhoota , waa la arki jiray , Cabasho iyo Eedayna waa laggu arki jiray , lkn koox shirwayne ka cadhootay oo goob kale ku doortay hogaan ay ku matalayaan shirki ay ka baxeeen waa tii koowaad iyo dhacdo cusub oo maanta inoogu horaysa .

Inaadeerkay , C/casiis Xirsi Warsame , marna ah , Saaxiibkaygii Fasalkii dugsigga hoose dhexe , marna ah saaxiib aanu aad isugu dhawnahay , waxay iila muuqataa , kol haddii uu ka xishooday inuu gaar isu caleemo saaro markii saaxiibadii shirka ka cadhoodeen , haddii aan shir dambe oo la isu dhan yahay oo lagu heshiiyey oo lagaga codbatayna aanu dhicin , waa lagaa guulaystay iyo waa lagga helay doorasho aanu meel ay ka dhacday joogin , waxaan u arkaa in lagaga gardaranyahay , wuxuu qof ahaan uga xishoodayna Xukuumaddu ka xishoon wayday kuna caleemo saartay hogaan ay iyaddu calmatay .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com