Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Booliska Oo Wiil Dhalinyaro Ah Toogtay iyo Muddaharaad Ka Dhashay+Hawl Galka Booliska Ee Ka Dhanka Ah Dhalinyarada Oo Hargeysa Laga Dareemayo

-Wiil dhalinyaro ah ayaa Geeriyooday kadib markii Ciidanka Booliska iyo Dhalinyaro iska hor imaad ku dhex maray Garoonka Kubadda Cagta ee Iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee Hargeysa. Toogashada Booliska ayaa dhacday kaddib markii Ciidanku isku dayay inay qabqabtaan dhalinyarada oo garoonka ku ciyaaraysay balse Ciidanka ayaa iska caabin kala kulmay Dhalinyarada.

Illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amaanka dawladdu ma jiro,hase ahaatee Geerida Inanka dhalinyarada ah waxaa ka dhashay Muddoharaad ay abuureen dhalinyaro ka gadooday geerida wiilka ka tirsanaa,kuwaasi oo xidhay Jidka Total ilaa Sabo-xareed kuna gubay taayiro.kaddib markii Mudaharaadku muddo socday ayaa Ciidanka amaanku xoog u adeegsaday, waxaana intii u dhexaysay 9:00 fiidnimo iyo 10:00-kii si aada looga dareemay tacshiirado rasaas ah oo Boolisku u adeegsaday Muddaharaadayaasha.

Habeennadii u dambeeyay ayaa Magaalada Hargeysa laga dareemayay Hawl galka ka dhanka Dhalinyarada kooxaha isku laysa iyo kuwa dadka rabsha oo si aada Bulshadu u dareentay.Jidadka dhexmara Xaafaddaha ayaa si aada looga dareemayaa Guutooyin Ciidanka Booliska ah oo maraya iyo kuwo Isgoysyada jooga ilaa goordambe oo habeenkii ah.

Arrintan ayaa imanaysa Maalin uun ka dib markii Guddida Amaanku kulan ka yeelatay dhibka dhalinyarada laga tirsanayo ee isa soo taraya islamarkaana amarro adadag ay ku dhawaaqeen taliyaha Booliska Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Fadal. Masuuliyiinta amaanka ayaa sheegay inaanay dib u dhici doonin Inan lagu qabtay Falal amni darro ah in Xadhiga loo Iibiyo ama la ganaaxo. Waxay digniin culus u direen Waalidka isku daya inay ka soo daayaan xabsiga dhalinyarada Boolisku arrimahan u qabtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com