Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Gudidii Tallo bixinta ururada siyaasada ayaa maanta xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ku sugan Caasimada Hargeysa.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Gudidii Tallo bixinta ururada siyaasada ayaa maanta xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ku sugan Caasimada Hargeysa.
Guddidani waxa kulankani noqonayaa kii tobnaad ee ay kula kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada dalka, waxaanay hore ula soo kulmeen Dhalinyarada, Culimadda, Ganacsatada iyo Ardayda jaamacadaha dalka,waxaanay dhawaan u socdaal xog ururin ah ay ku tegi doonaan Gobolada dalka iyagoo qeybaha kala duwan ee bulshada ka dhegaysanaya aragtidooda ku wahahan hindisaha la xidhiidha furashada ururada siyaasada.
Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Guddida tallo bixinta ayaa hadal uu ka jeediyay kulankaasi wuxuu Salaadiinta uga waramay ahmiyada ay leedahay arrintani oo loo baahan yahay inay si masuuliyadi ku jirto ay u dhiibtaan ra’yigoodda, waxaanu tilmaamay in kulankani yahay kii tobnaad ee ay la yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada caasimada Hargeysa.
Guddidu waxay dadka ay la kulmayaan ay ka buuxiyeen foomam ay ku qoran tahay waan ogolahay in ururada la furo iyo ma ogoli iyo inuu sababeeyo ra’yigiisa,
Dhinaca kale, waxa ka hadlay shirkaasi Suldaan Barre Warsame Shire, oo ku hadlayay magaca Salaadiinta waxaanu Guddida uga mahad celiyay fursada ay siiyeen salaadiinta.
waxa la filayaa in maalmaha fooda inagu soo haya ay u kala baxaan Gobolada dalka si ay kulamo noocan oo kale ah ula yeesheen bulshada ku dhaqan goboladaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com