Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Duulista Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka hadlay Eedaha Musuqmaasuq ee Mucaaradku u jeedin jiray Mashruucyadii dib loogu dhisayay Madaaradda Hargeysa iyo Berbera

Wasiirka Duulista Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka hadlay Eedaha Musuqmaasuq ee Mucaaradku u jeedin jiray Mashruucyadii dib loogu dhisayay Madaaradda Hargeysa iyo Berbera,kuwaasi oo uu ku tilmaamay in eedahoodii beenoobeen.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo u waramayay Wariyaha ruug caddaaga ah ee Faysal Fadhfadhle oo Universal ka tirsan ayuu wariyuhu waydiiyay aragtidiisa ku aadan Musuqmaasuqa lagu eedeeyay Mashaariicda wajigii koowaad iyo kan labaad ee Madaarka,waxaanu ku jawaabay.

“Horta sida wax loo caayaa way sahlan tahay,sida wax loo canjarafeeyaana waa sahlan tahay laakiin,waxaa ka marag kacaya Waaqaca.Qof walba aff waa ku yaal waanu hadli karaa. Umadda iyo warbaahinta Madaxa banaan waxaa la gudboon Xaqsoor. Waa kuwii lahaa Kaaryooneyaal baa lagu waraabiyaa oo lama dhisayo ee Umadda baqaha galiyay, waa kuwii lahaa Diyaarad baa soo fadhiisatay oo Runway-giiba fujisay, waa kuwii lahaa Diyaaraddii Ehtiopia waxay u carartay Runway-gii bay saluugtay, Beenaale Makhraatigiisuu fogeeyaaye maanta waxaa ka makhraati kacaya Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Madaarku wuxuu marayaa Sanad iyo Badh, wuxuu ka baxay Sanadkii Damaanadda ee Qandaraaslaha laga haynayay Lacagta Boqolkiiba tobanka ah, intaas in leegna muu diiqmin, Hay’adda Duulimaadyada Qaramada midoobayna way xaqiijisay inuu tayo sare leeyahay,dhamaan Diyaaraddihii ka duulayayna way xaqiijiyeen.

Doodayadii iyo doodii dadkii nashuushadaynayay waxqabadkayagii iyo Guushayadii, maanta waxaa makhraati cad ah taayadii,haddaanu Beenaaleyaal nahayna, maantay soo bixi lahayd inuu garoon diiqmay iyo wax liito yahay laakiin, maanta annagaa Luqunta kor u taagayna, ee kuwaas beenta sheegay waa inay dhuuntaan oo Khajilaan illayn dunuub bay naga galeen oo way na qadfeene,dadka Muslimiinta ahina dee isma qadfaane.

Markaa Gobtu waxa u qabsoomay way Kuunidaa oo way faantaa, waayo Waxani wax Maxamuud Xaashi iyo Kulmiye iyo Xukumaddiisa iyo Siilaanyo oo kaliya u qabsoomay maaha ee waa wax Qaranka u qabsoomay.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Intaasi kadib wasiirka waxa uu Wariyuhu waydiiyay Su’aal nuxurkeedu ahaa in dadka Madaarada isticmaalaa ka cawdaan Cashuurta oo ku badan,waxaanu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa kaftan ku dhex daray “Haddaan hadalkaas hore inyar kaga noqdo,Malaha waaba iga gocashee, waana nala yidhaa hadalkay dib u gocdaan oo Xeer nagama qabto Faysalowe, Musuqmaasuq soo gali kara Mashruucani ma jiro,waxaa maamusha Kuwait fund, Aduunka waa meelaha ugu hufan, Lacagtu markay ka soo baxdo Kuwait fund,waxaa loo shubaa Qandaraas laha,loomana shubo ilaa uu waxqabto,marka uu boqolkiiba konton qabto ayaa loo soo shubaa..Meel wasiir ka soo galo iyo meel anagga iyo Xukumadda Lacag nalagu siiyo ma jirto. Waa kuwii qaar lahaa wasiirkaa 6 Milyan jeebka loogu soo ridaye waar dunidu sidaas uma shaqayso,taas intaas baan ka leeyahay”

Intaas kadib ayuu wasiirku ka jawaabay su’aasha ah Cashuuraha laga cabanayo waxaanu yidhi “Cashuuraha garoomadeena marka la isku wada geeyo ama Maaliyaddu ha qaado ama Wasaaradda Duulistu ha qaatee Lacagaha Cashuurta ahi way ka jaban yihiin Cashuuraha laga qaado Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya.haddii la caddeeyo inay inaga jaban yihiin waxaanu u maskax furannahay inaanu jabinno”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale la waydiiyay Su’aal ahayd “Waxaa la leeyahay Adiga iyo dhawr wasiir oo aad ku jirto waxaa la leeyahay isku shaandhayntu waxba kama qaado, gaar ahaana waa…. ee maxaad arintaas ka leedahay?”

Waxaanu wasiirku ku jawaabay “Ma Qabo. Aniga la ima dooran iyo raga kale ee saaxibaday ah,Madaxweynahaa magacaabay, Madaxweynaha ayaa la doortay annagana isagaa na doortay. Madaxweynuhu isagaa u ikhtiyaar leh, inuu ciduu doonana bedelo, ciduu doonana daayo. Sababo ayuu dee ku sababeeyaa, mana qabo inay reernimo tahay, kaligayna maaha dee wasiirka aan la bedelini.wasiiro badan baa wasiirada ku jira oo aan la bedelin oo qaarna wasaaradihii ay ku bilaabeen joogaan,qaarna la bedelay oo wasaaraddo ka culusba loo dhiibay.markaas kaligayna kuma ahi,wasiiro isku reer ahna maaha kuwaasi, reernimana meesha ma taalo, ee waa Koox,kooxdaas siduu ukala ciyaarsiinayana waa arrinta ugu muhiisan ee hogaamiye u taala laakiin, kaftanka iyo daacayadu way iska furan tahay laakiin maalintii la doono ayaa xilka la iga qaadi karaa”

Wasiir Maxamuud Xaashi oo la waydiiyay Sida uu u arko Siyaasadda guud ee dalka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Somaliland cagta ku hayso dariiqii saxda ahaa “Runtii annagu Xukumaddii dalka hogaaminaysay baanu nahay,Muraayadda aanu dalka ku eegaynaa,Maaha Hamiga madaxnimada ee waxaanu ku eegaynaa macaal dareenka Bulshada ayaanu ognahay,dareenka beesha Caalamka ayaanu ognahay, waxaan leeyahay oo u arkaa Somaliland dariiq saxa ayay cagta saartay,way wanaagsan tahay,Horumar badan baa u qabsoomay,Dunidda waxaynu ku qancinay inaynu nahay umad waxqabsan karta,umaddii baa ina soo aaminaysa,Maalgashadeyaal badan baa inoo iman doona,Nabaddeenii baa sii gaamurtay,markaa Xaalad iyo jawi aad iyo aad u wanaagsan siyaasi ah ayaan u arkaa inay ku jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com