Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jabuuti – Apr, 09, 2011(maantasomaliland):- Natiijooyinka doorashadii Madaxtooyada ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas.

Jabuuti – Apr, 09, 2011(maantasomaliland):- Natiijooyinka doorashadii Madaxtooyada ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti waxay ku sheegtay natiijada codadkii la tiriyay in ay kala tahay 80.64% oo uu helay Madaxweynihii xilka hayey Ismaaciil Cumar Geelle iyo 19.36% oo uu helay Musharrixii madaxa-bannaanaa ee Geelle kula tartamayey kursiga madaxtinnimada Jabuuti Maxamed Warsame Raage.
Qoraalka Wasaaradda arrimaha guduhu wuxuu sheegay in Madaxweyne Geelle uu ku guuleystay 80.64%, halka musharaxa madaxa bannaan ee Maxamed Warsame Raage uu helay 19.36%. Natiijada uu ka helay codadka doorashada waxay Madaxweyne Geelle uga dhigan tahay inuu aqlabiyad ballaadhan ku guuleystay doorashada uu ugu tartamay markii saddexaad.

Golaha Dastuuriga ah ee Jabuuti ayaa la filayaa in ugu dambeyn uu ku dhowaaqo sharci ahaan natiijada doorashada ee kama dambaysta ah. Hase ahaatee, Musharraxa Madaxa-bannaan Maxamed Warsame Raage ayaa ku gacan seydhay natiijadaasi lagu dhawaaqay ee doorashada madaxtinnimada dalkaa.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu wuxuu ku cawday dhowr arrimood oo kala ah in Wakiiladiisa laga saaray goobaha codeynta iyo in saacad sharci-darro ah lagu kordhiyay wakhtigii doorashada la soo xidhi lahaa. Sidoo kale, Maxamed Warsame, waxa uu cambaareeyey shir Jaraa’id oo uu Madaxweyne Geelle qabtay, isla markaana uu kaga hadlay arrimaha doorashada, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid wakhtigiisii ka soo hor maray.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Guddiga kormeerayaasha doorashada Casoowe Idiris Casoowe ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadu ay u dhacday si caddaalad iyo xor ah. Saacadda lagu kordhiyeyna wuxuu tilmaamay inay ku timid baahi si dadku ay si nafis ah ugu codeeyaan cidda ay codkooda siinayaan.
Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku eedeeyeen dowladda madaxweyne Geelle inay xoog ku muquunisay siyaasiyiinta mucaaradka iyo dibadbaxyo dhacay toddobaadyo kahor doorashada. Djibouti waa dalka keliya ee qaaradda Afrika ee Maraykanku uu saldhig milateri ku leeyahay.

Xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka Jabuuti ayaa hore u qaaddacay inay ka qaybgalaan doorashada, iyaga oo diidmadooda ku sababeeyey inaanay jirin Guddi doorasho oo u xaq-soorta Mucaaridka iyo dawladda, isla markaana ay gacanta ku hayso hirgelinta iyo maamulka doorashada Wasaaradda arrimaha gudaha dawladda Jabuuti, sidaa awgeedna aanay ka qaybgalaynin doorasho ay iska sii garanayaan in dawladdu ku shubanayso

kayse faarax
maantasomaliland.com
djibouti

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com