Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Booliska Iyo Guddiyadda Nabadgelyadda Hargeysa Oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Amniga

Saraakiisha Ciiddanka Booliska oo uu hogaaminayay Taliyaha Booliska Sareeyo-guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo Guddiyadda Nabadgelyadda Degmooyinka ay ka kooban tahay Hargeysa, ayaa iskugu yimid kulan lagu xoojinayay amaanka iyo sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa dhalinyaradda samaysa rabshaddaha lagu dhibaateeyo bulshadda.

 

 

 

golaha_deegaanka_1_small

 

Kulankan oo maanta ka qabsoomay xarunta Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa waxa la isku afgartay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya bulshadda iyo Ciidanka Booliska, isla-markaana la iskaga kaashan lahaa in laga hortago cid kasta oo carqaladaynaysa amaanka Caasimadda Hargeysa.

 

 

 

 

Ugu horayn Afhayeenka Ciiddanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax oo halkaasi ka hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Shirkan maanta (shalay) lagu qabtay Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa wuxuu ahaa sidii ay iskugu xidhimi-lahaayeen waaxyaha arrimaha bulshadda iyo Boolisku oo ay dhinac uga soo wadda jeesan lahaayeen Nabadgelyadda, Mukhaadaraadka iyo wax kasta oo anshax-xumo ku ah Umaddeena sidii la iskaga kaashan lahaa oo gacan bir ah loogu qaban lahaa ayaa la iskugu yimid, waana la isku afgartay oo Ninka aan aqoon sidda Buurta loo fuulo hoostuu ku noolaadaa, waxa la isku afgartay sidii Dhalinyaraddan mushkiladdaha keenaysa gacan bir ah loogu qaban lahaa waa la isla gartay waana la isla fahmay, 53 Inan-baa la xukumay oo Xabsiyo kala duwan oo dalka ka mid ah loo kala gudbiyay dhawr iyo afartana hadda gacantaanu ku haynaa.”

 

 

 

cropped-mmsll.png

Afhayeenka Boolisku waxa uu intaas ku daray “Saacada aan idinla hadlayo qaarbaa la qabtay, Waalidiinta waxaanu leenaha Ubadkiina haddii aad qabsanweydaan waa la idin qabanayaa oo Dawlad iyo nidaam-baa jira, waxa weeyaan Waddanku fawdo noqon-maayo , Inankana waa la qabanayaa waana la edbinayaa sharcigaana la hor-geynayaa taasnaa keentay kulankan la iskugu yimaado lagana wada-tashaddo.”

 

 

 

Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Axmed Xaashi (Cagaweyne) ayaa isna sheegay in Booliska ay ka wadda-hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa adkaynta Nabadgelyadda, waxaanu yidhi “Waxa halkan iskugu yimid Booliskii Somaliland oo uu hogaaminayo Taliyaha Boolisku oo aanu halkan ka hambalyaynayno, Afhayeenka Booliska iyo labadda taliye qaybeed, 13 taliye Saldhig Boolis, dhamaan sideedda Guddoomiye degmo ee Caasimaddu ka kooban tahay iyo dhamaan Guddiyadda Nabadgelyadda Caasimadda oo ah dadkii matalyay shacabka ku dhaqan Hargeysa, waxaanu ka wadda-hadlaynay sidii kor loogu qaadi-lahaa Nabadgelyadda, waxaanu daba socday shirkii kan ka horeeyay oo aanu Nabadgeyladda Caasimadda kaga hadlaynay.”

 

 

 

 

Maayarku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Waxaanan halkan ka balan-qaadaynaa in amaanka Caasimaddu adkaan-doono oo aanu ka war hayndoono, hadday tahay Kantarooladda laga soo gelayo Magaaladda, hadday tahay Guryaha la kiraysanayo iyo hadday tahay dadka Gadiidka raacaya oo aanu la socon doono dhaq-dhaqaaq kasta oo ka dhaca Caasimadda sidaanu horeba ugu soconay, feejignaan dheeraad ahna waanu samayn doonaa. Waxanaan dadka ka wacyi-gelinaynaa marka dabdamisku idin soo gurmaddo ha shiidina, waxaanu balan-qaadaynaa inaanu xoojin doono amaanka Caasimadda

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com