Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaarada Maaliyada Iyo Haayada Dalka Ingiriiska u Qaalbilsan Deeqaha Oo Kulan Wada Qaatay

Hargeysa(MSL)-Wasiirka maaliyada iyo madaxda haayada dalka Ingiriiska u qaabilsan deeqaha ee magaceeda la yidhaahdo DFID ayaa kulan ku yeeshay wasaarada maaliyada.
Haayada ayaa kormeeraysay marshuuca ay siisay smith International, waxaana wasiirka maaliyadu uga warbixiyay heerka miisaaniyada Somaliland isaga oo uga mahadnaqay taageerada dakhli ururineed ay siinayaan, waxaana qoraal kooban oo wasaaradu ay soo saartay lagu yidhi“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 03/02/2015 kulan ku yeeshay xafiiska wasiirka maaliyada madaxda wasaarada maaliyada oo dhinac ah iyo madaxda haayada dalka ingiriiska u qaabilsan deeqaha ee magaceeda la yidhaahdo DFID kulankaas oo uu gudoominayey wasiirka wasaarada maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale waxa ujeedadiisu ku saabsanayd mashruuca tayaynta dakhliga (revenue mobilization) ee ay hayadu qandaraaska ku siisay Shirkada Adam smith International taas oo ay kormeer ku samaynayaan hayada DFID sida hawshu u socoto.

Waxa wasiirka maaliyadu uu warbixin ka siiyey hayada DFID halka Madaxweynaha JSL uu kasoo qaaday Miisaaniyada qaranka isagoo kaashanaya wasaarada maaliyada taas oo ahayd 47 milyan dollar sanadkii 2010 ee xilka uu la wareegay halka sanadka 2015 uu kayahay 251 milyan oo dollar,taas oo aad arkayso korodhka iyo horumarka laga sameeyay dhinaca maaliyada, waxaana taasi noo suura gelisay inaan ku tashano waxaanu haysano isla markaana aanu waxbadan oo horumara qabsanay sida aad indhihiina ku arkaysaan ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu, sidoo kale waxa uu wasiirku uga mahad naqay Hayada DFID Mashruuca wax ku oolka ah ee ay ka bilawday dhinaca dakhli ururinta waxaana wasiirku uu balanqaaday in wax kasta oo hawshaas wasaarada Maaliyada kaga soo Beegma ay u fuli doonaan sidii loogu talagalay,waxa kale oo wasiirku Balanqaaday in sida ugu dhakhsaha Badan ay uga gudbi doonaan shuruucdii PFM ku golaha xukuumada, waxa kulankaas dhinaca maaliyada ka qayb galay wasiirka wasaarada maaliyada,wasiira-dawlaha wasaarada maaliyada,agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada,agaasimaha waaxda qorsheynta & Tirakoobka,xidhiidhiyaha PFM reform

Dr. maxamed Samater sidoo kale waxa dhinaca Hayada DFID kulankaas uga qayb galay John Wearing iyo Angus Miller Gebegebadii wuxuu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad Buuxa iyo in sidoo kale mashruucan sida ugu wanaagsan looga faa”iideeyo wadanka Somaliland.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com