Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

FANAANAD RUUG-CADAA AH OO SOOMAALIYEED OO CAAN KA AH DHAMMAAN GEYIGA AY SOOMAALIDU DEGTO OO JOOJISAY QAADISTA HEESAHA MUYUUSIGA LEH

Fannaanada caanka ah ee ruug cadaaga ah ee sida weyn looga wada yaqaano dhammaan geyiga ay Soomaalidu degto, kanna mid ah Fanaaniinta faro ku tiriska ah ee sida weyn loo jecel yahay codkeeda Hibo Maxamed Huddoon, ayaa daboolka ka qaaday in ay ka fadhiisatay Fanka, isla markaana ay si rasmi ah u joojisay qaadista heesha Muyuusiga lehunnamed (1)Fannanada Hibo Maxamed, oo fanka ku soo jirtay muddo ka badan Afartameeyo Sanno, oo caan ku ahayd qaadista heesaha laga daba dhacay ee Jacaylka ah iyo heesaha qiirada leh ee Wadaniga ah, ayaa sheegtay in ay Illaahay dartii u joojisay qaadista heesihii Muyuusiga lahaa ee ay caanka ku ahayd, waxaanay xustay in ay cukimada diinta Islaamku cadaysay in aanay wanaagsanayn, sidaana waxa ay ku sheegtay mar ay u waramayasay laanta afka Soomaaliga ee iodaacada BBC-da.

Fanaannaddu waxay sheegtay in aanay dhiirigalinayn in heesaheeda la saaro ama la qaado, laakiin waxay sheegtay in wixii suugaan ah ee wax u taraya dalka iyo diinta ay sii wadi doonto hadii Allah idmo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com