Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa Nasiib darro ku tilmaamay Shaqaaqada shalay ka dhacday Degaanka Baliga Diiriye Guuleed ee duleedka Burco.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa Nasiib darro ku tilmaamay Shaqaaqada shalay ka dhacday Degaanka Baliga Diiriye Guuleed ee duleedka Burco. Waxa uu ku baaqay in labada dhinacba amaanka ilaaliyaan.

“Kolay horta waxaas Baliga Diiriye Guuleed ka dhacay waa Nasiib darro.Qarankanina uma baahna wax lilijiya ama lula, Ninkii Nin Waxyeelayna Qaranka oo dhan ayuu wax yeelay. Waa Nasiib darro, waxaanu waydiisanaynaa, oo codsanaynaa oo ku baryootamaynaa waar Nabadda aan xejisano” ayuu yidhi Gudoomiyaha Oo Hargeysa Saxaafadda kula hadlay.

Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay Go’aanka Guurtidu labada Beelood ee diriray mid ahaan hore ugu xukuntay lahaanshaha dhulka lagu muransan yahay “Go’aankii Guurtidu waa inuu fulaa mar walba, wax bedelayna ma jiro. Ninkii Go’aankii Guurtida ku talax tagaya dee isaga iyo Qarankaa isleh Waayo? Go’aanku qarankuu dhaqayay. Qarankay isku dhacayaan Cidii ka hor timaada Go’aanka Guurtida” ayuu yidhi Mudane Saleebaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com