Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hay’addo ay ka mid yihiin Oxfam iyo Adeso ayaa sheegay in 3 Milyan oo Soomaali ahi wajahayaan khataro macaluuleed haddii sidaasi lagu joojiyo Lacagaha Xawaaladdaha Soomaalida ee Maraykanku mamnuucay.

Hay’addo ay ka mid yihiin Oxfam iyo Adeso ayaa sheegay in 3 Milyan oo Soomaali ahi wajahayaan khataro macaluuleed haddii sidaasi lagu joojiyo Lacagaha Xawaaladdaha Soomaalida ee Maraykanku mamnuucay. Waxay sheegeen in dadkaasi ku tiirsanaaa Lacagaha Eheladoodu uga soo diraan wadamada dibadda.
Digniinta ayaa imanaysa laba todobaad ka dib markii Banki ku yaalla Maraykanka uu xidhay xisaabaadka Xawaaladdaha Soomaalida,isagoo ka jawaabaya Shuruucda Maraykanku kaga walwalsan yahay in Lacagaha Somalia loo diraa gacanta u galaan AL-shabaab.
Waxay sheegeen hay’adahu lacagaha sanad kasta loo diro Soomaaliya inay kor u dhaafeen gargaarka bani’aadminimo, gargaarka horumarinta iyo maalgashiga tooska ah ee dibadda uga taga Soomaalida oo la isku geeyay, waxayna noqdeen 25 – 45% waxsoosaarka dhaqaale ee Soomaaliya.
Hay’aduhu waxay shegeen in loo baahan yahay in dawladdu ay si dhaqsiyo leh uga dhabayso ballanqaadeedi ahaa in lacagahaas aan la xannibin.
Bangiga Xisabaadka xidhay oo lagu magacaabo Merchants ayaa waxa uu gacanta ku hayey xisaabaadka ku dhowaad boqolkiiba 80 xawilaadaha Soomaalida ee ka hawlgala Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com