Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ugu yaraan 4 Qof ayaa ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacmeen dagaal galinkii dambe ee Jimcaha MAANTA laba Beelood oo reer Somaliland ah ku dhex maray degaanka Maskax-buqle

(M S L) Ugu yaraan 4 Qof ayaa ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacmeen dagaal galinkii dambe ee Jimcaha MAANTA laba Beelood oo reer Somaliland ah ku dhex maray degaanka Maskax-buqle oo 30Km kaga beegan dhinaca waqooyi Buuhoodle.
Ma jiro War rasmi ah oo ka soo baxay dagaalka, balse Xoggo BBC-du heshay ayaa sheegay in Dagaalku salka ku hayo Aano qabiil oo u dhexaysa Beelaha halkaasi wada dega ee Reer Guuraaga ah.
“Dagaalku wuxuu ka dhashay dhul daaqsimeed muddo dheer aan la daaqin oo haatan la isugu soo dhawaaday,” ayuu Warbaahinta Hiiraan u sheegay Wariye ku sugan Buuhoodle.
Colaada Beelahan Dhulbahante iyo Habarjeclo dhex martay ayaa lala xidhiidhinayaa Aanooyin iyo Utino ku saabsan Dagaalo degaanka Kalshaale ka dhacay sanadkii 2011-ka oo halkaasi dagaalo khasaare badan gaystay ka dhaceen kuwaasi oo ku salaysnaa dhul lagu muransan yahay.
Kayse Cabdi Yuusuf oo hore u ahaa Wasiiru dawlaha nabadaynta ee Gobolada bari ee Xukumadda Siilaanyo, haddana kooxaha Somaliland ka soo horjeeda ku biiray ayaa dagaalkan ku macneeyay mid Madaxweyne Siilaanyo ku doonayo in muddada loogu kordhiyo maadaama Dastuurku sheegayo in arrimaha lagu kordhin karo doorashada ay ka mid yihiin colaado dalka ka taagan, hase ahaatee wali Xukumaddu arrintaasi wax war ah kama soo saarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com