Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Isku badalka iyo xil qaadista xilalka qaranku waa sunaha dawladnimo iyo dhaqanka dawladnimo

Isku badalka iyo xil qaadista xilalka qaranku waa sunaha dawladnimo iyo dhaqanka dawladnimo. Waa mid ka mida ereyada wuu xafiiska madaxwaynuhu u isticmaalo marka wuu xil ka qaadis samaynayo. Dhinaca kalana marka wuu magacaabis samaynayana waxaan u gartay weeyi.

Wali ma’arag wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwayanaha oo xill ka qaadisa, oo leh.

Markaan arkay mamul xumadiisa iyo eexdiisa Ayaan ka qaaday xilkan
Markaan arkay maamul daradiisa iyo in aanu sii wadi Karin hawsha qaranka Ayaan ka qaaday
Markaan arkay kartida iyo hufnaantiisa shaqo Ayaan ka qaaday xilka
Markaan arkay waxqabadka wasaaradiisa iyo aanu waxba ku kordhin Ayaann ka qaaday xilka qaranka.
Markaan arkay musuq maasuqa wuu ku kacay Ayaan ka qaaday xilkan
Dhinaca kalana marka wuu madaxwayne silaanyo magacaabayo xilalka dawlada waxa wuu yidhaa waxaan u gartay/ku qancay/ ma arag isaga oo leh

Markaan arkay kartida aqooneed,waayo aragnimada iyo dhaqankiisa dimeed uu leeyahay ama leedahay Ayaan u gartay in aan xilkan u magacaabo.
Markaan arkay waayo aragnimada shaqo ee wuu leeyahay Ayaan u gartay xilkan.
Markaan arkay shahdooyinka iyo takhasuusadka wuu sito Ayaan u gartay xilkan
Markaan arkay asluubta iyo kartidiisa Ayaan u gartay.
Markaan arkay meelaha iyo goobaha wuu ka soo shaqeeyay waxyabaha wuu u qabtay Ayaan u gartay xilkan qaranka.
Markaan arkay daacadnimadiisa/daacadnimadeeda Ayaan u gartay in aan u dhiibo xilka qaranka.
Shacabka somaaliland waxay layaabin yihiin in ayna wali u kala cadayn micnaha guud ee ay samanayso erayga SUNAHA DAWLADNIMO ee wuu xafiiska madaxwaynuhu ku soo saaro marka wasiir/agaasime laga qaadayo xilka.

Shacabka reer Somaliland waxay rabaan in ay ogadaan marka xil qaranka madaxwaynuhu magacaabayo in wuu shacabka u sheego tariikhdiisa shaqo,waayo aragnimo iyo aqoontisaba si ay ugu niyad samadaan kuna qancaana in wuu yahay qof karti u leh oo gudan kara waajibka qaranka .dhinaca kalana marka wuu madaxwayne silaanyo eryayo wasiir ama agaasimaba in wuu sababeeyo waxa wuu xilka uga qaadayo.

Mise tolow madaxwaynuhu sabab la’aana wuu ku magacabaa sabab la,aana xilkuu uga qadaa BAL ADBA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com