Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XAASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYEY XUMIHII WAA YAAB, WAAR KA DAAYA XAJIINTA URURKII UFO!! W/Q:MUJAAHID CALI XARAARO

Mujaahid-Cali-Xaraaro1Hadaba Ururadan Imimka Jira Ee Loo Yaqaan Ururada Bulshada (Civil.Society) Sida SONYO Ama SONSAF Maaha Kuwo La Garab Dhigi Karo

Waxaan Halkan Ku Arkaayey Urur Dhalin Yaro Leedahay Oo Is Bar Bar Dhig Ku Sameeyey Ururkii La Odhan Jirey UFO Iyo Urur Kooda Oo La Yidhaahdo SONYO, Horta Dal Iyo Dadkiisa Cida Hore U Mar U Samaysaa Ama Is Bedel Ku Samayaa Waa Dhalin Yaro, Isla Markaana Ay Hadaf Qudha Xataa Hadii Ay Ku Dhimanayaan Hadaba Dhalin Yaradii Ururkii UFO Wuxuu Ka Samaysmay Dhibaatadii Iyo Xad Gudub Yadii Ka Yimi Xukuumadii Siyaad Bare.

Maqaalwaxaan Xaaladu Siaday Ahayd Maalintii Lagu Dhawaaqay Ururkii UFO Waxaan Odhan Dhalin Yaradii Waxay Maalintaas Go’aan Sadeen Inay Dhintaan Dadkooda Waxay U Badheedheen Inay Kor Tagaan Maxamed Siyaad Bare Oo Haysatey Ciidamo Tiroodu Gaadhaysey

Boqol Iyo Konton Kun Waxaanay Ku Guuleysteen Inay Dadkoodii Ku Dhiiriyaan Kacdoon Iyo Inay Tacadiga Diidaan Ugu Dambayntiina Waa La Qab Qabtay, Jidh Dil Iyo Garaacis Badhkoo Ku Naafoobeen Ayaa Loo Geystey Shan Sanadood Oo Xadhig Adag Ah Ayaa U Yaraa Inta Lagu Xukumay.

Hadaba Ururadan Imimka Jira Ee Loo Yaqaan Ururada Bulshada (Civil.Society) Sida SONYO Ama SONSAF Maaha Kuwo La Garab Dhigi Karo Ama Loo Soo Qaadan Ururkii UFO, Ururadani Waa Kuwo Halis Ku Ah Dadkooda Iyo Qaranimadooda Oo Wax Badan Yeeli Kara Waana Ururo Xukuumadan Imika Joogtaa U Adeegsan Karto, Mida Kale Waxa Ka Muuqda Xuruufta Magac Yadooda Inay Ka Mid Yihiin Ururada Somaliya Markaa Waxaan Leeyahay Xaashee Nin Libin Kaa Xisteyey Xumihii Waa Yaab, Waar Ka Daaya Xajiinta Ururkii UFO

Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com