Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalka Ingiriiska, ayaa ballanqaaday inay horgeyn doonaan aqalka Baarlamankooda qaddiyadda aqoonsi Jamhuuriyadda Somaliland hesho, kadib doorashada dalkaasi ee u qorshaysa bisha May ee sannadkan 2015.

idaana waxa laga sheegay shir xarunta Baarlamanka Ingiriiska ku dhexmaray koox xildhibaanno ka soo jeeda xisbiga Shaqaalaha (Labour) iyo wakiillo matalayey Somaliland oo isugu jiray madaxda iyo hormuudka jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Ingiriiska, safiirro iyo xubin wasiir ka tirsan xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE, halkaas oo lagaga wadahadlay qaddiyadda madaxbannaanida iyo ictiraaf raadinta Somaliland.

shirka somaliland iyo Baarlamanka Ingiriiska

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno ay ka mid yihiin Steven Doughty ka tirsan xisbiga Shaqaalaha oo laga soo doorto Cardiff South iyo Penarth, Xildhibaan Kerry McCarthy oo laga soo doorto Bristol, ahna wasiir-sugaha xisbiga Shaqaaluhu ugu talogalay Afrika, xildhibaan Gareth Thomas iyo mudanayaal kale oo taageera qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxay dhammaantood u caddeeyeen reer Somaliland inay kala shaqayn doonaan sidii looga midho-dhalin lahaa aqoonsi buuxa oo waddankoodu ka helo beesha caalamka.

Xildhibaan Steven Doughty oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Ingiriiska ee muddada dheer taageerayey Somaliland, ayaa sheegay in kulankaasi ahaa mid midho-dhal ah oo ay iyaga iyo wakiillada Somaliland isku waydaarsadeen wadahadal la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

“Waxaannu lahayn kulan togan oo muhiim ah caawa, waxaannu ahayn tiro xildhibaanno door ah oo ka kala yimi daafaha UK oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha (labour party), kuwaas oo dhegaystay wakiillada bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska, sidoo kalena waxa joogay wakiillo ka socday dawladda. Kulanku wuxuu ahaa mid midho-dhal ah, waxaanay bulshada Somaliland caddeeyeen go’aankooda la xidhiidha aqoonsiga Somaliland iyo dhammaan arrimaha kale ee xisbiga Shaqaalaha ee imanaya ka taageerayo Somaliland,” ayuu yidhi Md. Steven Doughty oo markii shirku dhammaaday ka jawaabayey su’aal weriye Bushaaro Baande oo ka tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland ka waydiisay waxyaabihii lagaga wadahadlay.

Waxa kaloo uu ballanqaaday inay qaddiyadda Somaliland intii awoodooda ah hordhigi doonaan Baarlamankooda, waxaannu “Aragtidayda anigu waxaan muddo dheer taageerayey aqoonsiga Somaliland, waxaannan ballanqaadayaa aniga iyo saaxiibadayda in wixii awooddayada ah in aannu horgayno Baarlamanka haddii nala doorto.”

Mr. Cabdiraxmaan oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda reer Somaliland ee kulankaasi soo qabanqaabiyey, ayaa isna ka hadlay muhiimada shirku lahaa, waxaannu yidhi, “Aad baa loo wadahadlay, waxa laga wadahadlay sidii qaddiyadda Somaliland loo taageeri lahaa. Waxa laga hadlay oo jaaliyadda Somaliland waydiiyeen xildhibaannada xisbiga Shaqaalaha halka ay ka taagan yihiin qaddiyadda Somaliland iyo waxay ku darsanayaan haddii ay doorashada helaan Isha Allaah.”

Wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Cali Cawaale iyo Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Maxamed Cabdillaahi, ayaa iyaguna ku tilmaamay shirkaasi mid faa’iido wayn u lahaa Somaliland, kaasi oo fure u noqon doona mustaqbalka shirar noocan ah oo lagaga hadlo ka-midho-dhalinta aqoonsi raadinta Somaliland.

“Reer Somaliland waa in aanay welwelin, maxaa yeelay Ingiriiska waxay ka haystaan taageero buuxda oo xildhibaan, shacab ah ilaa dawladba oo ay siinayaan taageero buuxda.” Sidaa waxa yidhi Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Cali Cawaale.

Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Md. Cali Xaamud Jibriil iyo xubno kale oo madaxda iyo hormuudka jaaliyadda Somaliland ah ee ka qaybgalay shirka, ayaa ku booriyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska inay isku-diiwaangeliyaan doorashada soo socota ee dalkaasi, isla markaana codkooda siiyaan xildhibaannada xisbiga Shaqaalaha ee taageersan qaddiyadda madaxbann

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalka Ingiriiska, ayaa ballanqaaday inay horgeyn doonaan aqalka Baarlamankooda qaddiyadda aqoonsi Jamhuuriyadda Somaliland hesho, kadib doorashada dalkaasi ee u qorshaysa bisha May ee sannadkan 2015.

idaana waxa laga sheegay shir xarunta Baarlamanka Ingiriiska ku dhexmaray koox xildhibaanno ka soo jeeda xisbiga Shaqaalaha (Labour) iyo wakiillo matalayey Somaliland oo isugu jiray madaxda iyo hormuudka jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Ingiriiska, safiirro iyo xubin wasiir ka tirsan xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE, halkaas oo lagaga wadahadlay qaddiyadda madaxbannaanida iyo ictiraaf raadinta Somaliland.

shirka somaliland iyo Baarlamanka Ingiriiska

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno ay ka mid yihiin Steven Doughty ka tirsan xisbiga Shaqaalaha oo laga soo doorto Cardiff South iyo Penarth, Xildhibaan Kerry McCarthy oo laga soo doorto Bristol, ahna wasiir-sugaha xisbiga Shaqaaluhu ugu talogalay Afrika, xildhibaan Gareth Thomas iyo mudanayaal kale oo taageera qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxay dhammaantood u caddeeyeen reer Somaliland inay kala shaqayn doonaan sidii looga midho-dhalin lahaa aqoonsi buuxa oo waddankoodu ka helo beesha caalamka.

Xildhibaan Steven Doughty oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Ingiriiska ee muddada dheer taageerayey Somaliland, ayaa sheegay in kulankaasi ahaa mid midho-dhal ah oo ay iyaga iyo wakiillada Somaliland isku waydaarsadeen wadahadal la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

“Waxaannu lahayn kulan togan oo muhiim ah caawa, waxaannu ahayn tiro xildhibaanno door ah oo ka kala yimi daafaha UK oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha (labour party), kuwaas oo dhegaystay wakiillada bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska, sidoo kalena waxa joogay wakiillo ka socday dawladda. Kulanku wuxuu ahaa mid midho-dhal ah, waxaanay bulshada Somaliland caddeeyeen go’aankooda la xidhiidha aqoonsiga Somaliland iyo dhammaan arrimaha kale ee xisbiga Shaqaalaha ee imanaya ka taageerayo Somaliland,” ayuu yidhi Md. Steven Doughty oo markii shirku dhammaaday ka jawaabayey su’aal weriye Bushaaro Baande oo ka tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland ka waydiisay waxyaabihii lagaga wadahadlay.

Waxa kaloo uu ballanqaaday inay qaddiyadda Somaliland intii awoodooda ah hordhigi doonaan Baarlamankooda, waxaannu “Aragtidayda anigu waxaan muddo dheer taageerayey aqoonsiga Somaliland, waxaannan ballanqaadayaa aniga iyo saaxiibadayda in wixii awooddayada ah in aannu horgayno Baarlamanka haddii nala doorto.”

Mr. Cabdiraxmaan oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda reer Somaliland ee kulankaasi soo qabanqaabiyey, ayaa isna ka hadlay muhiimada shirku lahaa, waxaannu yidhi, “Aad baa loo wadahadlay, waxa laga wadahadlay sidii qaddiyadda Somaliland loo taageeri lahaa. Waxa laga hadlay oo jaaliyadda Somaliland waydiiyeen xildhibaannada xisbiga Shaqaalaha halka ay ka taagan yihiin qaddiyadda Somaliland iyo waxay ku darsanayaan haddii ay doorashada helaan Isha Allaah.”

Wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Cali Cawaale iyo Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Maxamed Cabdillaahi, ayaa iyaguna ku tilmaamay shirkaasi mid faa’iido wayn u lahaa Somaliland, kaasi oo fure u noqon doona mustaqbalka shirar noocan ah oo lagaga hadlo ka-midho-dhalinta aqoonsi raadinta Somaliland.

“Reer Somaliland waa in aanay welwelin, maxaa yeelay Ingiriiska waxay ka haystaan taageero buuxda oo xildhibaan, shacab ah ilaa dawladba oo ay siinayaan taageero buuxda.” Sidaa waxa yidhi Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Cali Cawaale.

Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Md. Cali Xaamud Jibriil iyo xubno kale oo madaxda iyo hormuudka jaaliyadda Somaliland ah ee ka qaybgalay shirka, ayaa ku booriyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska inay isku-diiwaangeliyaan doorashada soo socota ee dalkaasi, isla markaana codkooda siiyaan xildhibaannada xisbiga Shaqaalaha ee taageersan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com