Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse Waa Afmiishaar Wanaagsan Ee Maaha Saaxib Wanaagsan FAALLO Mustafe-Janaale

“Cod baahiyayaasha Idaacada Radio Hargeysa oo inta baddan u fadhiista dayactir la’aan bariinsatay,”

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxmed Daahir (Cukuse) ayaa ku fashilmay hogaaminta iyo jiheynta guud ahaan Suxufiyiinta Somaliland,taasna waxa kaaga markhaati kacaya inaanu ilaa imika wax la taaban karo oo muuqda ku kordhin saxaafaddii uu ka yimi wax uu u geysto mooyaane.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu Wasiirka Warfaafinta ugu soo xushay Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) baabiinta iyo cabudhinta,Cago-juglayn, Xadhig, iyo hagar-daamooyin kale oo uu ku tirtirayo xoriyatul-qawlkii saxaafadda oo ka hor imanaysa nidaamka dimuqraadiga ee aynu qaaday.

Waxa marag madoona markii madaxweynaha talada waddanka haya ee Axmed-SIILAANYO uu soo dhisay xukuumadiisi ugu horeysay ee Golaha Wasiirada waxa uu muddo yar kadib soo magacabaay

Agaasimayaasha Guud iyo madax-da hay’adaha madaxa-banaan.

Wasiir Cukuse waxa uu ka mid ahaa hormadaa labaad ee uu Madaxweyne SIILAANYO soo magacaabay,waxaanu u doortay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, magacaabistaasi waxay la kowsatay inuu dagaal foolka foola iyo kala qeybin ku sameeyo suxuufiyiinta madaxa-banaan ee ka hawlgala Wargeysyada, Website-yada iyo Telefiishanada dalka.

Wasiir Cukuse intii uu hayay xilka Afhayeenimada waxa uu sameeyey inuu dabada ka riixo ama boodhka dib uga tumo xeerkii Xeerkii cabudhinta saxaafadda ee laga soo dheegtay dalka Yemen oo aanay ka jirin xorriyadda Saxaafadda madaxa-banaani. Waxa xeerkan hore ugu soo gudbisay Golaha Wakiilada Xukuumaddii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.

Sidii la ogaa waxa dagaal xoogan ka galay masuuliyiintii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaridka ee UCID iyo KULMIYE, waxaana wakhtigiisi ku dhacay isaga oo aan xeerkaasi ka gudbin Shirgudoonka Golaha Wakiillada, waxaana taladii waddanka ku guuleystay Xisbiga KULMIYE.

Hadaba, waxa Xeerkaas dib u soo anba-qaaday Wasiir Cukuse wakhtigii uu ahaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland,waxaana mar labaad bilaabmay dagaalkii Saxaafadda madaxa-banaani ka gashay inaan xeerkaasi Golaha la horkeenin, waxaana ka dhashay nacayb ka dhex oogma Cukuse iyo Saxaafadda madaxa-banaan.

Wasiir Cukuse waxa uu geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay sidii xeerkaasi Golaha u iman lahaa isaga oo kaashanaya Xubno ka mida xildhibaanada Muxaafidka ah ee madaxtooyada laga soo shidaaliyo ee ay ugu horeeyaan Xildhibaan Cali Mareexaan, Xildhibaan Kijaandhe iyo qaar kale oo baddan.

Inkasta oo xukuumaddu Madaxweyne Siilaanyo ay aad u danaynaysay ansixinta xeerkan lagu cabudhinayo Saxaafadda madaxa-banaan ilaa imika xeerkaasi umuu hirgelin inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo jiidhsiiso Golaha Wakiilada, balse taa bedelkeedu waxa uu noqday in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aad u neceb dhaliilaheeda in wax laga sheego ayaa albaabada u laabtay laba Wargeys oo ka mida Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo kala ahaa HAATUF iyo Wargeyskii HUBAAL oo ilaa hada sifaha ay ku xidhan yihiin aan cid garanaysa jirin.

Waxa kale, oo taa barbar socday xadhiga suxufiyiinta madaxa-banaan oo isaguna xadhkaha goostay, intii xukuumaddani xilka haysayna suxufiyiinta sifaha sharci darada loo xidhayay ay gaadhayaan dhowr boqol oo suxufi.Hadaba markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u magacaabay Cabdilaahi Cukuse xilka Wasiirnimo ee Wasaarada Warfaafinta waxa uu sii laba jibaaray dagaalkii uu ku hayay saxaafadda Madaxa-banaan waxaana la og-yahay inta goor ee uu shirarkiisa jaraa’id kaga hadlay hanjabaad, caga-juglayn iyo handidaad uu ilaa imika ku hayo suxuufiyiinta ka hawlgala saxaafadda madaxa-banaan,iyada oo arrintaasi dagaalka saxafadeed ay ilowsiisay xilkii iyo masuuliyadii uu u hayay qarankan, waxaana dhacday dhawaan in shaqaalaha ka hawlgala waaxyaha kala duwan ee Wasaarada Warfaafinta ay kala horyimaadeen Cabashooyin Wasiir Cukuse ay kaga dalbanayaan gunooyinkii iyo mushaharkoodii ay qaadan jireen in sidoodii loo siiyo, waxaanay Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ku eedeeyeen Wasiir Cukuse inuu si badheedha u jaray waxay xaqa u lahaayeen gunooyinkaa iyo musharkaa ay xaqa u leeyihiin.

Waxa kale oo jirta in dayacnaan fara baddani ka muuqato hawlaha warbaahineed ee Idaacada Radio Hargeysa iyo Telefiishanka Qaranka Somaliland, Idaacada Radio Hargeysa ayaa muddooyinkan danbe ay caado u noqotay in war-la-lisyada Radio Hargeysa inay marar baddan hawada ka baxaan, cilad dayactir la’aaneed awgeed.

Baahiyayaasha FM-ta ee Idaacada Radio Hargeysa ayaa iyagu inta baddan u fadhiista dayactir la’aan,maadama aan la haynin wixii lagu bedeli lahaa marka ay ciladi ku timaado.

Transmitted-kii (SW) ee qaranka Somaliland ku joogay hantida baddan ee ku tallogalkiisu ahaa in laga dhageysto dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa isaguna hawada uga maqan dayactir la’aan, taasina ay sababtay meelihii markii ugu horeysay laga dhageysan jiray inaan imika laga dhageysanin sida Jabuuti iyo dalalka kale ee aynu jaarka nahay.

Isku soo wada duubo arrimahaas aynu kor ku soo xusnay oodhami waxa keenay masuuliyad darro had iyo gooraale ka timaada, hoggaanka sarre ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo hawlo kale oo aan loo igman ku foogan,

Mustafe-Janaale

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com