Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

HAN IYO HAMMI SARE LAHOW Q-1AAD: WAXA QOREY KHADAR ISMAACIIL HAYBE

Bismilah wal-xamdulilaah wasallaalahu wasalam calaa rasuulilaah marka hore waxaan mahad u celinayaa allaah cwj ee ii suurto geliyey inaan maqaalkan qoro ku saababsan hanka ayo hammiga sare ee qof leeyahey,sida qofku ugu baahan yahay cunto iyo biyo ayuu ugu baahan yahay inuu lahaado hansare laakiin haadanay qofka u calaamadaysnayn meel uu hiigsanayo oo uu doonayo inuu gaadho waxaynu odhan karnaa waa qof iska nool oo mawjadaha aduunyadu kolba dhinac u wadaan.waxa jiri jiray asxaabi la odhan jiray cumar binu cabdicasiis wuxu yidhi{waan hamooday oo waxan ku hamooday inaan luuqada carabiga barto wuu bartay, hadana wuu hamooday wuxuu ku hamoday inuu guursado inanta boqorka wuu guursaday, hadana wuu hamooday oo wuxu ku hamoday inuu noqdo badhsaabka madiina wuu noqday, kadib markuu bartaa marayo ayuu yidhi hadaan mar noqday badhasaabkii xaruntii mislimiinta maxaa ii diidaya inaan noqdo madaxweynaha muslimiinta wuu noqday.} waxaasa hammi la dhahaa hadaba maxaynu ka faaidaynaa

1.Alle talo saarasho iyo adeecida awaamirtiisa

2.Sabar

3.Hiigsi dhow iyo mid fog

4.Dadaal

5.Nasiib

6.Niyad wanaag

Waxa jira caqabado badan oo kaa hor iman kara ha noqdaan qaar qoyseed,qaar deegaan ama qaar adi laftaada kaa yimaada,lakin yaanay noqon qaar kaa horistaaga gaadhida hadafkaaga tusaale:-rasuulku SCW waynu ogayn wixii dhab kasoo gaadhay faafinta diinta ee kaga imanaysay gaaladii hadana hadafkiisu wuxuu ahaa gaadhsiinta diinta cadceed kasoo bax iyo cadceed ka dhac waanu ku guuleystay.

Tusaale 2aad:-ninkii EdISON la odhan jiray ee soo saaray laambada wuxuu isku dayay 99 jeer lakin markii 100 aadayuu isku dayay oo uu ku guuleystay.xikmad carbeed baa tidhaahda “himatul baciid wamawtu qariib”.haddii aad doonaysid inaad mustaqbalkaaga ku guuleysatid u samee hiigsi fog ka dibna la kaalay hammi xoogan.

Hammiga iyo hanka fogi waa waxa laba qof is dhaafiya tusaale:-qof baa wuxuu tukadaa 5 salaadod wuuna sooma 30 ramadan,mid kalana wuu tukada 5salado lakin wuxu la yimada sunayal wuu sooma 30 ramadan lakin wuxu la yimada soom sunayal ah labada qofi midina faralkii ayuu iska riday midna intuu riday ayuu weliba sunayal raaciyey isku hiigsi maaha labada qofi.

Ha noqon mid ka niyad jaba gaadhida hadafkiisa,haku fikirin wax yaabaha hooseeya ku hammi meel sare maah-maah carbeed baa tidhaahda “yaanay kusoo celin wax aan xidigaha ahayn “,hala saaxiibin kuwa hanka yar la saaxib kuwa hanka weyn sababto ah sida la isku qaadsiiyo durayga ayaa la isku qaadsiiya han yarida tusaale:-laba arday oo isku galaas ah ayuu imtixanki usoo galay midi wuxu ku haminaya keliya inuu imtixaanka baaso midna inuu kaalinta u horeysa galo waa laba arday oo isku mid ah lakin kala han sareeya.hadah rabto inaad guuleysati iska ilaali MALAHA waayo waa caqabada ugu weyn ee horistaagta gaadhida hadafka,ha odhan malaha waan samayn karaa dheh waan samayn karaa.

Hadii aad guuldaraysatid haku jojin halkaa lakin kasii wad ninkii la odhan jirey ABRAHAM LINCHOLA madaxweynihi 16aad ee soo mara mareykanka 28 jeer ayuu guuldareystay oo iskugu jiret taran deegan,barlaman lakin markii 29 jeer ayuu guuleystay.waxan kuso khatimaya tix ka mid ah gabey uu tiriyey odaygii TIMACADDE oo aheyd “haddii aanad hammoon waa mooyi dabadeede”

Waxa qorey khadar ismaaciil haybe

dalmar161@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com