Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAXWEYNE SIILAANYO: HOGAAMIYE DIB U SOO NOOLEEYEY KITAABKA ALLE. QALINKII WELI CABSIIYE

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ilaahay cimrigiisa ha dheereeye wuxuu dib u soo nooleeye xukunka iyo ku dhaqanka Kitaabka Alle, taas oo shalay lagu diirsaday dilkii qisaasta ahaa ee ka dhacay gobolka Saaxil.
Madaxweyne Umada Somaliland abaal weyn ayey kuugu haysaa in sharciga la mariyo qofkii qof si badheedh ah u qudha uga jara, lana mariyo wixii shuruucdu ka qabto. Taas oo ahayd mid la wada sugaayey.
Shalay caasimada Hargeysa dadka ku dhaqani waxay ku faanayeen geesinimada ay muujisay xukuumada uu hogaaminaayo Axmed Siilaanyo oo waxaa lago bogaadinaayey ficilka uu qaatay ee aan loo eegin eex iyo cid kale.
Balanka ilaahay madaxweynuhu wakaa u quus gooyey qolyihii mucaaridka ahaa ee hadh iyo habeen odhan jiray dadka sharciga hala mariyo, maanta maxay odhan doonaan? Maxay ku hadli doonaan? Maxay la shir iman doonaan? Saxaafada maxay u sheegi doonaan?
Lixda qof ee shalay lagu qisaasay degmada Mandheere waxay aniga ila tahay inay yihiin hordhac tusaale ugu filan dadka jariimada gaystay ee hadh iyo habeen caadaystay inay dilaan naf aan waxba galabsan, isla markaana ay ku dilaan waxaanay xaq ugu lahayn.

silanyo
Mudane madaxweyne abaal iyo ajri badan ayaanu kuugu haynaa in aad cadaalada mariso cid kasta oo isku dayda inay nabada iyo horumarka Somaliland dhibaateeyaan. Waa mid taariikhda kuu gashay oo weligaa lagugu xasuusan doono inta aduunyadu jirto.
Maanta wixii ka dambeeya waxay noqon doontaa mid cashar ku filan u noqoto dadka bariisaday inay dhiiga umada ku maydhaan ee aan kala jeclayn xalaasha iyo xaaraanta, mana dhici doonto in si fudud qof dil loogu gaystay.
Ugu danbayntii Md Madaxweyne waxaa meesha ka bixi doonaa dacaayadii raqiiska ahayd ee ay dadkii odhan jireen qofka dil gaystay naasnuujin ayaa loogu diraa, maanta waad aragtaan in dhagta dhiiga loo daray oo wajiibkoodii la mariyey.
W/Q: Weli Cabsiiye
Cabsiiye8897@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com