Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukumadda Somaliland Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Baaqii Reer Yurub+ Dareenka Bulshada Somaliland

Masuuliyiinta hawlgalka Ururka Midawga Yurub iyo waddamada Xubnaha ka ah, ayaa baaq diidmo ah ka soo saaray Qisaastii Xukumadda Somaliland ku fulisay 13-kii bishan 6 Qof oo hore u gaystay Dilal.
Hadalka Midawga Yurub oo ku baaqayay in Somaliland joojiso xukunnada dilka ah ee ay fulinayso oo dib u dhigaya shuruucdeeda ayaa Xukumadda Somaliland ku gacan saydhay islamarkaana sheegtay in Xukumadda Somaliland iyo bulshadeeduba raali ku yihiin in la dilo ciddii Qawaaniinta dalku mariso qisaas.
Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladdu.
Wasiirka oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi. “Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka” Xuseen Axmed Caydiid.
Waxaanu intaasi raaciyay “Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku leeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen”Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Baaqa Midawga Yurub Arrintan ka soo saaray Shalay
“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga ammaanka badan ee Madheera in badan kadib markii ay iska daayeen fulinta dilka maamulku. Guud ahaan, falkani aan la filayn, wuxuunna dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo horjeedaa ciqaabta dilka, waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka la fuliyey iyo xabaalaha la qoday sagaal sanno, kadib markii la joojiyey dilalka ciqaabta ah, waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhaqso u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ururkaas.
Aragtida Bulshada Somaliland:-
Bogaadinta Qisaasta la fuliyay ayaa maalmihii u dambeysay laga dareemayay bulshada Somaliland dhexdeeda. Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, Culimada waaweyn ee Somaliland iyo dadweyne kale ayaa Xukumadda ku bogaadiyay fulinta Qisaasta iyagoo ku timaamay Amarka Alle oo la fuliyay. Waxaa sidoo kale si weyn looga dareemay taageerada bulshada baraha Bulshada ee Internet-ka oo si aada loogu bogaadiyay.
Suldaan Maxamed Muuse Nuur(Suldaan Abu Sufyaan), oo hogaanka dhaqanka Somaliland ka mid ah ayaa isna qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay sida Qisaastu u tahay mid mubaax ah “IIAAHAY waxa uu quraanka ku yidhi “qisasta nolol aya idinku jirta dadkiina caqliga usaaxiibaw si aad ubaqataan ayaana qisaasta la idinku jideeyay” nolol ba idinku jirta qisaasta , ilahay waxa uu galiyay qisaasta nolala sheena waxaan ognahay in aynu nahay dad muslimiina calankenana waxa ku qoran kalmada tawxiidka taas oo katarjumaysa in aynu nahay dad muslimiina sida awgeed waxa lilaahay ina farayaa in aynu qisasta fulino sida awgeed udheg jalaqsiin mayno cidkasta oo arinkaa kahor timaada ha ahadeen kuwo dawlada sheeganaya ama kuwo yuribiyaan sheeganayaba.
cidkastaba ha ahaatee wa inaan loo joojin ceeb ayay inagu tahay inaynu waxaasoo kale dhagaysano inagaa dalkeena iyo dadkeenaba wanaagiisa cidwalba uga ogaal badan. xukuumadana arinka qisaasta waan kutaageer sanahay oo waa arin waajib ku ah in ay fuliso diin ahaan iyo caqiida ahanba marka shacabku ha isku bar bartaagaan wixii wanaaga ee xukumadeeno fulinayso,” ayuu hadalkiisa ku koobay Suldaan Abu-sufiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com