Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Carruurta Oohinta Badan Xiliga Habeenkii Oo La Ogaaday Inay Sabab U Noqoto Arrin Aan U Fiicnayn Lamaanaha Is Qaba.

Xog ururin laga qaaday 2,000 oo waalid ah , ayaa lagu ogaaday in oohinta ubadka ee habeenkii xilliyada dambe ay qayb weyn ka qaadato kala-tagga aabbaha iyo hooyada.

Dadka cilmi-baadhistan ka qaybgalay ayaa 30% ka mid ah waxay isku fureen ubadkooda oo habeenkii xilliyada dambe ooya, halka 11% ka mid ahna qireen inay iska dhego mariyaan oohinta carruurtooda yaryar, hooyaduna isku daydo inay amusiiso, sidoo kalena 11% kale ayaa sheegay inay albaabka ka xidhaan marka ubadku ooyayaan ee hooyadu aamusiinayso.

Halka hooyooyinka qaarna tilmaameen inay 100 daqiiqo dibadda ugula cararaan ilmaha si ay odaygeeda uga fogayso qaylada oo aannu hurdada uga toosin.

Xog-ururintan oo uu hormood ka ahaa telefiishanka la yidhaa Channel 4, waxa ka qaybgalayaasha lagaga xog-waraysanayey in ubadku hurdada ka qasaan waalidiinta, balse waxa ka soo baxday arrin cajiib ah oo iftiimisay in furiinka iyo burburka qoysaska ay inta badan sababaan ubadka xilliyada dambe baraaruga ee ooya.

Drs. Tanya Byron oo ah khabiirad cilmi-nafsiga ku takhasustay, kana qaybqaadatay barnaamijka telefiishanku xog-ururintan ku soo bandhigtay, ayaa iyadoo arrimahaas ka
hadlaysay waxay tidhi; Waxaan arkay dad badan oo ubadkoodu hurdada ka rabshaan oo dhibaato ku noqdaan, iyagoo aad uga murugooda, isla markaana aabbayaasha qaar kaba tagaan qoyskooda.

Waxa hubaal ah in aan waalidiinta waqtigan aanay dulqaad yeelan ubadkooda, isla markaana aanay ku rabayn in ay hurdo fiican helaan, haddii ay caafimaad qabaan.

Waxa kaloo daraasaddani sheegtay in waalidiinta, gaar ahaan aabbuhu uu aad uga cadhoodo marka ubadkiisu ku ooyaan isagoo hurdo fiican ku jira, taasina ay sababto markay soo noqnoqoto in waalidku kala tagaan.

Ubadka ayaa caado waxa u ah markay aadka u yaryar yihiin inay saqda dhexe baraarugaan si hooyadood u quudiso, isla markaana u naas-nuujiso, balse aabbaha wuxuu aad u jecel yahay, ugana cadhoodaa in hurdada laga dhex galo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com