Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Dad Danyar ah oo Daganaa Agagaarka Xeradda Birjeex U Raray Dhul Dad Shicib ahi Leeyihiin oo Ku Yaala Masalaha

dad danyar ah oo deganaa agagaarka xerada birjeex ayaa taliyaha ciidanka qaranka sareeye gaas ismaacil shaqale ka raray dhulkoodii isagoo u raray dhul ku yaala masalaha islamarkaana ay leeyihiin dad shicib ahi

arintan ayaa fajiciso ku noqotay dadkii dhulkooda la dajiyay dadkan danyarta ah ee laga raray agagaarka xeradda birjeex

dadwaynaha dhulkooda la dajiyay dadkan laga raray birjeex oo Baligubadlemedia kula hadlayay hargeysa ayaa sheegay inaanay wax soconaya ahayn talaabadan foosha xun ee uu sameeyay taliye shaqale, waxaanay baaq u direen madaxwaynaha, wasiirka daakhiliga iyo maayarka caasimadda

si kastaba ha ahaatee talaabadan uu qaaday taliye shaqale ayaa noqonaysa mid muujinaysa in xilka qaranka la iskugu adeegsanayo shaadh dawladeed waxaanay arintani keenaysaa isku dhac bulsho hadii aan xukuumaddu degdeg faraha ula soo galin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com