Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Beel Murrashax Baarlamaan Iyo Taageeradoodiiba Guddoon siisay xisbiga WADDANI

Beesha Naaleeye Axmed ee beelweynta Dhulbahante oo ay hogaaminayeen Caaqil,Saleebeen Caarshe iyo waxgarad aqoonyahanada Xildhibaan Idho idho oo ka tirsan Galah Guurtida Somaliland Iyo Weliba Masuuliyiin Kale oo ka Tirsan Xukuumadda ,ayaa Qado sharaf nooceeda hore loo arag Hotelka Hido Dhawr Beesha Naaleeyey Axmed ugu Sameysay Masuuliyiinta Xisbiga WADDA oo uu Hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro .

Haddaba Beesha Naaleeye Axmed ee Dhulbahanta ayaa madasha keenay Musharax Ibraahin Jaamac Abtiile oo ah musharax u taagaan Xildhibaanada golaha Wakilada Somaliland ,kaas oo ay beeshe isku raacday inuu mateli doono isagoo ka mid noqonaya musharaxiintaa ka sharaxan xisbiga WADDANI.

Ugu Horayn waxaa halkaasi ka hadlay Caaqilka Beesha Naaleeye Axmed ee Dhulbahante ,Caaqil Saleebaan Caarshe isagoo ugu horayn u mahad naqay hoggaanka xisbiga WADDANI sida ay u soo ajiibeen martiqaadka Beeshiisu u fidisay,waxa kale oo caaqilku sheegay inay wadaan ibraahin Jaamac Abtiile oo beeshu isku raacday inuu Noqdo musharaxa Golaha wakiilada Somaliland uga sharaxan Xisbiga WADDANI,waxa kale oo Caaqilku sheegay inay hiil iyo hooba beesha Naaleeye Axmed la garb taagantahay Xisbiga WADDANI.

Wax kale oo isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Indho-indho oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo isaguna sheegay inuu tageero buuxda la garab joogidoone musharaxa Beeshu Soo xulatay ee ibraahin,isagoo ilaahayn uga Beryey inuu ku Guuleeysto.

Waxa isna halkaa ka hadlay musharax Beesha Naaleeye Axmed soo xulatay ee ibraahin Jaamac Abtiile ,waxaanu ugu horayn u mahad naqay caaqilka iyo waxgarad beeshiisa ee soo xushay inuu ka mid Noqodo musharaxiinta xisbiga WADDANI ah ee Golaha Somaliland,waxaanu ku nuux-nuuxsaday inuu xisbiga WADDANI ee uu ka musharaxyahay ka qayb-qaadan doono hawlaha horumarinta xisbiga mid dhaqaale iyo mid kaleba.

Ugu Dambayntii waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,isagoo uga mahadnaqay Qado sharfta ay Beesha Naaleeye Axmed u sameeyeen maanta waxaanu soo dhaweeyey Musharaxnimada Ibraahin Jaamac Abtiile isagoo illaahay uga baryey inuu ku guulaysto,waxaanu Guddoomiye Cirro Beesha Naaleeye Axmed ee Dhulbahante u sheegay in aan xisbiga WADDANI laga xigin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com