Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Salebaan lafaheena Ayaa Kala Badbaadiy Maanta ?by mawliid axmed jibriil

Salebaan lafaheena Ayaa Kala Badbaadiy Maanta ?
(siraanyo Odayaal ayaa la dhaqdhaqaajiyay)
Afrika waxa daashaday xanuun aan ilaa hada daawo loo hayn oo qalalaase abuura qax, gaajo iyo qaxooti iyo cudur ku keena waana xanuunka kursi jacaylka la yidhaa oo bilaabma maalinta doorashadu ay soo dhawaato sida ta maanta s/land ka taagan oo kale inkasdoo la moodayay in s/land xanuunka ka gudubtay hada ayay xasaasiyad siyaasadeed ka bilaabantay s/land.
sidaa darteed, waxaan qalinka u qaatay xaalada dalku ku jiro inaan talo ogu haboon ka dhiibto cidii ay khusayso,
Gudoomiyaha Guurtida,M/waynaha dalka, Gudomiye faysal iyo wadamada shisheeye midba hal ayaan odhanayaa,
Salebaan, waxaan leeyahay shalay miyaad ilawday markii aad lahayd lafaheena ayaa kala badbaadsha, haday maalintaa kula qadhaadhayd maanta ayay kula macaanaan ee talada aad maanta gacanta ku hayso rag bay la qadhaadhahay oo ku leh, saleebaan lafaheena maant a kala badbaadi oo qodobadaa ay ku heshiiyeen sadexda xusbi qaran iyo komishanku ee idin horyaala hala Ansixiyo, taasi ayaa maanta lagu kala badbaadayaa,
hana dhayalsan oo dhegaha ha furaysan dhawaaqa ka soo baxaya shacabka iyo caalamka daneeya s/land,
hadad dhegaha furaysataan oo wixii lagu heshiiyay waxaan ahayn aad Ansixisaan wixii dhibaato ka timaada adigaa ka masuula ee sidaa ogaw.
Gudoomiye (balaayo af la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto malaha) ee hadaan kula yara kafdamo dhaameelka dhagaha iyo dhaayaha aad la furaysatay qiimihisu waa imisa ama imisa muwaadin oo nool ayay magtoda noqonaysaa markay dhintaan oo hada talada wanaagsan ee kaa soo baxda ku sii noolaankara,
Gudoomiye golaha guurtida ee aad gudomiyaha u tahay waxa hada lagu nanaysaa, GOLAHA AGOOMAHA kamana filayo waxaad wado qaar is hortaagi kara hadad gudi saartiyo hadanad gudi saarinba.
Mlwayne siiraanyo hadaan hal idhaa, shacabkii ku doortay waa kuu diyaar hadad fuliso qodobadii lagu heshiiyay waxa kuu kordhaysa taageero, laakiin hadad wax cusub guurtida ka ansixiso waxa kaa lumaya taageero, go,aan kasda oo guurtida ka soo baxa waxad ogaataa mid aad raali ka tahay in uu yahay oo aad baal martay saxexagii iyo saxexa xisbigaga. waa,ayo midida daabkeeda adaa haya, oo laguu doortay cid kale eeda ka timaad waxa lagu heshiyay waxan ahayn haday guurtidu ansixiso adigaa ka masuula, talana waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo.
M/wayne miyaad lawday maalintii aad lahayd Odayaal ayaa la dhaqdhaqaajiyay, hadanad ilawin waxan ku leeyahay jooji xukumadu odayaasha gobolada oo dhan ka qaylinaya ee go,aan guracan oo guurtida ka soo baxa loogu gogol xaadhayo.
M/wayne hadan kula yara kafdamo sadex arimod markan eego, waxan isleyahay guurtida waxan lagu heshiin ayaa ka soo baxaaya, odayaasha gobolada ka qaylinaya, guurtida oo fooshu ku adkatay iyo sagbadii albaabka madaxtoyada ku beegnayd oo la dheereeyay lana adkeyay. intaa ka dib, m/wayne waxan ku leyahay cimri tegay ceeb laguma sabootiyo,ee talada aad iyo aad oga fiirso ixtiraam qaylo dhaanta caalamka iyo shacabka ka soo yeedhaysa.
sidoo kale ,hadaan hal idhaa,wadamada u soo gurmaday s/land waxaan leeyahay aad ayaan idiinku amaanayaa taladiina aad dimoqoradiyada s/land aad ku ilalinaysan xaqna waxad u leedihiin hadaanu tashan kari wayno ina aad noo talisaan intaan is dililahayn.
isku soo wada duuboo,waxa ayaan daro wayna in siiraanyo iyo saleebaan dalkii iyo dadkii ay xukumayeen oga lax jaclo bato ingiriis iyo maraykan oo dhibaato u muuqato iyo madaxdii s/land oo dhibtu u muqan kursiga mooyee, dalka iyo dadka majacla, laakiin kursigay jacalyihin. ee arinta ay ku heshiyeen cid kala laguma eedayn karo ilaa mucaaridka sobob waxay kula heshiyeen iyagaa buriyay ee cida lama lahawixii ka yimaad.Gudomiye faysal ma waxa uu ka noqday go,aankii uu saxeexay oo go,aanka dambe ee guurtida ayuu tageeraya?mise faysal maadaama aanu musharax ahayn magaca xisbiga ayuu ku Gabraranayaa? faysal nin habari dhashay hal maseegi waayee,hadii uu dhawaaqan kulmiye ku taageerayo raali galin ka bixin waayo, wuxuu u muuqanayaa nin go,aanka guurtida ee fadlan kor u hay in uu ugogol xaadhayo.
alaa mahadleh
mawliid axmed jibriil
xaqsheeg@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com