Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Magaalada xeebta ah ee Berbera ayaa waxaa ku yaalla dekedo yaryar oo ay inta badan adeegsadaan doonyo ay leeyihiin kaluumaysatada deegaanka ee kalluunka ka soo jilaabta biyaha badda.

Magaalada xeebta ah ee Berbera ayaa waxaa ku yaalla dekedo yaryar oo ay inta badan adeegsadaan doonyo ay leeyihiin kaluumaysatada deegaanka ee kalluunka ka soo jilaabta biyaha badda.
Kaluumaysatada deegaanka ayaa markan waxaa ku soo biiray kaluumaysato u dhalatay dalka Yemen oo ka soo carartay colaadda halkaasi ka taagan.
Wariye Axmed Siciid Cige, oo ka tirsan BBC-da ayaa u kuur galay xaaladda Kaluumaysatada Berbera, isagoo bookhday dekedaha ay ku soo xidhaan doonyaha Kaluunka soo jilaabtay.
Cabdalle Iimaan Cumar, oo ka tirsan Kaluumaysatada Xeebaha Berbera ka kaluumaysta ayaa sharaxay siday u Kaluumaystaan “Dekeddan waxaa hadda ku xidhan ilaa dhawr iyo toban doonyood, Kaluunku laba dhinac wuu ka yimaadaa oo dhinaca Bari ah iyo dhinaca galbeed oo ilaa Saylac ku dhaw. Noocyada Kaluunka aanu soo gurnaa wuu kala duwan yahay oo waxaa ka mid ah Kaluunka Layluugta, Faraska, Deeragga iyo Kaluunka gaxashka la yidhaahdo.
Runtii wakhtigan baddu aad bay u fiican tahay waana wakhtiga la maalo badda. Todobaadkii waxaa laga yaabaa inaanu soo gurno tan ilaa tan iyo badh, markaa waxaan nalagaga Iibsadaa Berbera, waxaana jira qolyo ganacsato ah sii Iibiya. Wakhtiyadii hore waxaa nagu yaraa qaboojiyeyaasha laakiin hadda wuu isbedelay dhulkii waxaana la furay meel lagu kaydiyo oo baraf leh.”

Cabdalle Iimaan wuxuu sidoo kale sheegay inay soo dhaweeyeen Kaluumaysato Yemen ka timid oo dagaalka ka soo cararay haddana ka kaluumaysta Xeebaha Berbera “Way jiraan Kaluumaystada Yemen ka timid oo hadda ayay ba taagan yihiin, iyaga laftooda mar haddii xagoodii dagaal ka dhacay dee halkan nabada ah uun baa la iskugu tagayaa, waxaanuna u soo dhaweynay si fiican.markii hore inaanu anagu xaga Yemen tagno way yarayd oo dagaal na geeyaaba ma dhicin laakiin, kol haddii xaggaa dagaal ka jiro iyaga iyo kuwa kale ee yimaadaba waanu soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Cabdalle Iimaan oo sheegay inaanay doonyaha Yemen wax cidhiidhi ah ku soo kordhin suuqa Kaluumaysatada Somaliland.

Kaluumaysatada ayaa sheegay in suuqooda ugu weyn ee Kaluunka la keenaa yahay Hargeysa iyo Burco, iyagoo tilmaamay in hadda si fiican loo isticmaalo Kaluunka halkii hore bulshadu hilibka xoolaha uga isticmaali jirtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com