Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Cukuse Oo Laga Horistaagay Iscasilaad Uu Dalbaday, Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Shalayna Iskaga Baxay

Sida qaarkamid ah Asxaabta Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse), warbaahinta qaar u sheegeen, waxa oodaha Jabsaday Khilaaf u dhexeeya Wasiirkaas iyo Kooxda Naakhuudayaasha ka ah Doonida sii degaysa ee Xukuumadda Madaxweyne Saaran.

Warkani waxa uu sheegayaa in Wasiir Cukuse shalay Madaxtooyada ku wargeliyey inaanu diyaar u ahayn kasii mid ahaanshiyaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana uu diyaar u yahay inuu xilkaas iska casilo.

Waxa kale oo Wararku intaa ku dareen iskudayga iscasilaada ah markii Wasiir Cukuse ku dhaqaaqay fulintiisa, waxa uu diiday iskana hortaagay Wasiirka arrimaha Dibeda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis. Hase-yeeshe sida xoguhu tibaaxeen markii iskudayga Mr. Cukuse u waayey meel uu ka dhaafiyo Wasiir Biixi, waxa uu bedelka arinkaa uu ka baxay Shirkii Golaha Wasiiradda ee Shalay kadib qadar kooban, isaga oo diiqadaysan markii uu fadhiyey.

Waxa kale, oo Wararku intaa ku dareen in Wasiirku Jaaleyaashiisa u sheegay in aanu jirin Xukuumada ahaan cid uu Maanta ka habranayo, waxaana la sheegay in Md. Cukuse uu arinkaa sabab uga dhigay xaaladaha siyaasadeed ee ku gedaaman Xukuumada talada-haysa oo aan saamaxayn fursado ay iska difaacaan colaado kale.

Ma cada ilaa iyo hadda meesha sartu ka qudhun-san tahay iyo qabqablaha u khaaska ah ee Wasiirka uu baxay. Wallow haddii loo dhabo galo, oo dib loogu noqdo mudada Wasiirku sida Lo’dii Isweserland ee marada-cas ka xanaaqi jirtay uu kolba meel isku qaadayey, waxa jira doodo kale duwan, kuwaasoo midiba si gaar ah geestooda ugu fasirayaan sida wax u jiraan iyo halka rooxaantu ka raacday. Waxaana kamid ah aragtiyaha ugu macquulsan ee sheegaya meelaha allalaasuhu kaga baxay, tan odhanaysa in aan wax cilad ahi jirin, hase-ahaatee, uu Wasiirku saas, bayr iyo mooraal-xumo ku dhacday markii suuqa lasoo geliyey in Wasiir Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan laga qaaday bu’ruudkii uu ku shaqayn jirey, Madaxtooyaduna ka wareejisay burjigiina uu ka haystay. Wasiirkaas oo sida araagtiyahaasi qaban ahaa Muriidkii ku hayey Maqaamka Xukuumadda Cukuse.

Arrimaha kale ee Wasiirku diidan yahay, ayaa waxa kamid ah jiritaanka Khilaaf kala dhexeeya Haweenka Madaxtooyada oo ay ugu horrayso Marwo Samsam, taas oo keenttay in Amar lagu bixiyo inuu muddo sii joogi Maareeyihii dhawaan xilka laga qaaday.

xigasho waaheen

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com