Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa Ka Hadlay Aragtida Xisbigiisu ku qaabili doono Gogosha Xukuumaddu u fidisay Labada Xisbi-qaran,

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa Ka Hadlay Aragtida Xisbigiisu ku qaabili doono Gogosha Xukuumaddu u fidisay Labada Xisbi-qaran, taas oo salka ku Haysa Suulinta Khilaafka ka miir-dillaacay Muddo-kordhinta Xukuumadda Loo Sameeyey.

Guddoomiye Cirro oo u warramay Hadhwanaagnews, ayaa sheegay in Wada-hadalkaasi suurtogeli karo haddii laga Wada-hadlayo Go’aankii dhawaan Guurtidu Xukuumadda Muddada ugu kordhisay oo khilaafkan Abuuray,

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in midho dhalka Gogoshaasi ku jirto in wixii Guurtidu Go’aamisay Wada-hadal laga furo,

“Inkastoo aan maqlayo Warar sheegay in xukuumaddu tidhi Go’aankii Guurtidu waa Muqaddas oo la Beddeli maayo, waa Muqadas iyo waa la Wada Hadlayaa Laba Isqabta

ma aha. Haddii uu Muqadas yahayna wada-hadal ma jiro” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa uu sidoo kale ka Hadlay sidii ay Beesha caalamku u dhalisay in Xukuumaddu wada-hadal Furto, isagoo si gaar ahna u carrabaabay Nuxurka Qoraalkii arrintaas laga soo saaray iyo Mucdii ku dheehnayd, waxana uu yidhi,

“Beesha caalamku way yimaaddeen oo darafyada dhammaan way la kulmeen, waxana ay u socdeen in khilaafka dhashay xal loo helo, xukuumaddana way usoo jeediyeen in la wada hadlo, markii ay tegayeenna waa la kulanay oo waxay noo sheegeen inay warbixin siinayaan Beesha caalamka, shirkii dambe ee ay yeesheena waxay kasoo saareen Baaq, waxana ay somaliland ku boorrinayeen in Arrintaas Guurtida laga Wada-hadlo xal la isku waafaqsan yahayna laga Soo saaro, Haddii aan laga soo saarina waxa somaliland waxay sheegeen in dhibaato weyn oo ah kii aanu ka digaynay ah oo in Go’doon caalami ah ay geli doonto.”

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), waxa uu markii ugu horraysay Sheegay inaanay Xukuumaddu wali wax xidhiidh ah kala soo samaynin Wada-hadalka ay Xisbiyada Qaranka ugu baaqday, waxana uu sheegay in Isaga Beesha Caalamku arrintaas kusoo wargelisay, isagoo Nasiib-darro ku tilmaamay Tallaabadaas, waxana isagoo Arrintaas ka hadlaya uu yidhi,

“xukuumadda cid iskamaanu arag telefoonna Xataa Kuma aanu wada Hadal, go’aankii ay gaadheenna aniga waxa iisoo sheegay Beesha Caalamka, Marka waxay ila tahay inay ayaandarro tahay in Go’aankii xukuumaddayda ay Beesha caalamku iisoo sheegto, waxana ay ahayd Haddii ay Go’aanka Qaateen inay Xisbiga kusoo wargeliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com