Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal maanta

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal. Madaxda heer gobol iyo Dadweyne tiro badan ayaa Madaxweyne xigeenka kaga hor yimid degmada Dila islamarkaana u galbiyay dhinaca Boorama.

Madaxweyne xigeenka waxaa socdaalkiisa Boorama ku wehelinaya Xubno golaha wasiirada ka tirsan, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, kuwaasi oo halkaasi ku sugnaan doona ilaa 18-ka May.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho wanaajinta amaanka Gobolka iyo ka qayb galka Maalinta Qaran ee 18-ka May. Waxa uu sheegay in shacbiga Awdal kala qayb qaadan doonaan xuska iyo dabaal dega 18 May.

Mudane Maxamuud Saleebaan Cali, badhasaabka Awdal ayaa hadalo soo dhaweyn ah ku qaabilay Madaxweyne xigeenka “Madaxweyne xigeen, waxaa halkan kugu soo dhawaynaya Dadweynaha heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal oo ah qaybaha bulshada eek ala duwan sida dhalinyarada iyo salaadiinta. Madaxweyne ku soo dhawoow si aad noogala qayb gashid maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May, aadna waanu kuugu mahadnaqaynaa adiga iyo weftigaaga balaadhan,” ayuu yidhi Mudane Ramaax.

Madaxweyne xigeenka ayaa isna socdaalkiisa ka dareen celiyay “Marka hore Illaahay baa mahadleh, marka labaad waxaan bogaadinayaa oo u mahadcelinayaa maamulka heer gobol iyo dadweynaha Awdal ee sida sharafta leh noo soo dhaweeyay. Waxaan rajaynaa in hawlaha aanu u soconaa khayr ku dhamaadaan, insha Allah waxaynu iska xog waraysan doonaa arrimaha gobolka iyo degmadaba,dhinaca nabadgalyada iyo sidii aynu u xoojin lahayn iyo dabaal dega 18-ka May ee ah 24 sanno guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Gobolka Awdal ayaa baryahan dambe ay ka jirtaa amaan darro dhinaca Xuduudka Ethiopia ah, halkaasi oo Kooxda Suldaan Wabar ka samayso Waxyaabo carqalad ku ah amaanka gobolka. Waxaa la rajaynayaa in Madaxweyne xigeenku arrimahaasi kala xaajoodo maamulka iyo waxgaradka Awdal.
khadar xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa/office
khadarxarbi22@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com