Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO LOOGU BAAQAY INUU FARAHA LA SOO GALO KHILAAF DIIMEED OO KA ISTAADHMAY DEGMADDA AXMED DHAGAX EE CAASIMADDA HARGEYSA

madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo ayaa qaar kamida dadwaynaha caasimaddu ugu baaqeen inuu degdeg faraha ula soo galo khilaaf diimeed oo ka dhex istaadhmay qaar kamida degmooyinka hargeysa gaar ahaan degmadda axmed dhagax ee caasimadda hargeys

dadwaynahan ayaa ka hadlay muranka diimeed ee soo noqnoqday ka dhexeeya wasiirka diinta & haayadda alhuda oo isku garab ah iyo sheekh aadan sunne oo garab kale ah

wasaaradda diinta & haayadda alhuda oo iskaashanaya ayaa sheekha ka mamnuucay masjidkii uu imaamka ka ahaa ee fatxi kadib markii haayada alhuda dibu habayn ku samaysay balse sheekha iyo dadwaynihii ku xidhnaa casharadiisa ayaa iyagu ka biiyo diiday arinkan sheekha lagaga mamnuucay masjidkii uu imaamka ka ahaa

waxaana ilaa hada muran diimeed oo arinkan ku saabsani wali ka dhex taaganyahay dhinacyaddan is haya, balse dadwaynaha deegaanka gaar ahaan kuwa ku xidhan casharadda sheekha ayaa iyagu madaxwaynaha somaliland ka codsaday inu arinkan faraha la soo galo kahor inta aan xaaladdu ka sii xumaan halka ay hada marayso

sheekh aadan sunne ayaa hore xabsiga loo dhigay balse markii lagu waayway eedaymihii lagu haystay ayuu xoriyadiisa dib u helay islamarkii sheekha la soo daayay ayaa hadana xayiraadahan lagu so rogay balse arinkan ayaa laga dayriyay xaalkiisa dambe hadii aan mdaxwaynuhu degdeg arinkan wax uga qaban

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com