Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weftigii uu Hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan ee Magaalada Dubia ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta u taggay Siddii Heshiis ula saxeexan lahaayeen Shirkadda DP World iyo Dekedda P&O ee Dubai si ay u Maalgashato Dekeda Berbera ayaa Maanta Dalka Dib ugu Soo laabtay

Weftigii uu Hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan ee Magaalada Dubia ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta u taggay Siddii Heshiis ula saxeexan lahaayeen Shirkadda DP World iyo Dekedda P&O ee Dubai si ay u Maalgashato Dekeda Berbera ayaa Maanta Dalka Dib ugu Soo laabtay ka dib markii ay soo Dhameysteen Safarkoodii.

Waftigan oo ka koobana Wasiirka Madaxtooyada Somalilnad Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Yuusuf, Wasiirka Hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor).

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan oo Qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa kula Hadlay Warbaahinta ayaa ka Xogwaramay Kulankii ay la yeeshen Shirkada DP iyo Waxyaabihii Dhex maray.

“Runtii Shirkadihii aanu la kulanay iyo Dawlada Imaaradkuba way na soo dhaweeyen waxaanay Danaynayeen in ay Isticmaalan Dekeda Berbera, iyaga oo Wafti ahina Waxaanu Rajeynayanaa in ay dalka Yimaadan, runtii Arrinta Heshiisku ma ah mid Maalin iyo Labba ku dhammaanaya, wax Qof kali ah ka Go’aan qaddanayo ma ah, runtii Muhiimada ugu weyni waa in aynu ogaano in uu jirro Maalgalin inoo cuntanta in ay jirto iyo in kale haddii aynu aragno heshiiska waynu la galaynaa.”Ayuu yidhi Wasiirku.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com