Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Shirkadda Dahabshiil Group Oo Guud ahaan Shacbiga Somaliland u diray Hambalyo ku waajahan 18-May

xuska sanad guurada 24aad maalinta qaranimada Somaliland 18-ka May ee Bari.”Waxaan shacbiga Somaliland u diraynaa hambalyo ku wajahan munaasibaddan qaaliga ah, waxaana aanu eebe uga rajaynaynaa inay Somaliland xuskan xuskiisa ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo taam.

sidaasi waxa ay ku sheegeen Maamulku Shirkadda Dahabshiil Group qoraal koobana oo ay soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kaasi oo u qornaa sidan :

“Anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha iyo magacaygaba waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba gaar ahaan reer Hargeysa munaasibadda xuska 24 guuradda ka soo Hargeysa(Waaheen)Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Group ayaa Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta bari ee 18-ka bishan May.

Sidoo kale Maamulahu waxa uu ugu duceeyey guud ahaan shacbi-weynaha Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay ku noolyihiin inay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan Bash-bash ,barwaaqo iyo munaasibadda xuska 18-ka May.

waxa uu ugu baaqay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolada dalku inay diyaar garaw balaadhan u galaan xuska munaasibada 18-ka may oo caawa ilaa bari loo dabaal dagayo.

Dhanka kale waxa uu maamulahu ku dardaaray inay ilaaliyaan nabad galyada isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan wixii wax u dhimaya nabad galyada wakhtiyada lagu gudo jiro munaasibadaha loogu dabaal dagayo xuska 18-ka May.ee ka wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegnayd maanta

Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa waxa ka socda diyaar garaw balaadhan oo loogu jiro xuska 18-ka May, oo la filayo in sanadkan si balaadhan loo xuso, iyada oo masuuliyiinta qarankuna ay diyaar garaw balaadhan ugu jiraan sidii ay shacabka Somaliland ugala qayb gali lahaayeen munaasibadaha dabaal dega xuska 18-ka May.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com