Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Magaalada Hargeysa Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta 18 May+Sawirrada Ciidanka iyo Bulsh Guud ahaan Bulshada Somaliland dal iyo dibadba waxay u dabaal degayaan Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May oo ah markii Somaliland ku dhawaaqday Madaxbanaanideeda 1991, haddana laga joogo 24 sannadood.

 

Bulshada Somaliland ee wadanka gudihiisa ayaa iskugu soo baxay goobaha loo asteeyay iyadoo ilaa hadda aanay jirin wax dhib ah oo ka dhacay dabaal degga.

Shacbiga Somaliland ee Magaalada Hargeysa iyo Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa maanta socod gaardis ah ku maray jidka Halbawlaha ah ee Madaxtooyada Hor mara iyadoo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee qarankuna ku sugnaayeen wajahadda hore ee Madaxtooyada.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb qaadanayay socodka iyagoo soo bandhigay waxyaabo indhaha soo jiidanaya oo lagu waynaynayo Xuska 18 May islamarkaana Calanka Somaliland ku gaashaaman. Ciidamada Somaliland, Uurrada bulshada,Shaqaalaha,Ardayda kala duwan ee dalka sida Jaamacaddaha iyo Iskuulada iyo bulsho kale oo tiro badan ayaa socod gaardis ah oo si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday ku maray Marinka hor mara Madaxtooyada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com