Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarada Golayaasha Deegaanka Somaliland qaarkood ayaa bilaabay ollole balaadhan oo ay doonayaan inay kaga hor tagaan mooshinka Golaha Wakiiladdu ku doonayaan xilka qaadistooda inay ka dhigaan Cod fudud oo Hal-dheeri ah.

Maayarada Golayaasha Deegaanka Somaliland qaarkood ayaa bilaabay ollole balaadhan oo ay doonayaan inay kaga hor tagaan mooshinka Golaha Wakiiladdu ku doonayaan xilka qaadistooda inay ka dhigaan Cod fudud oo Hal-dheeri ah.

Sidoo kale, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano awood badan oo xidhiidh dhaw la lahaa Maayarada qaarkood ayaa dhinacooda bilaabay olole ay ku daciifinayaan Mooshinka Golaha wakiiladda horyaala, kaasoo ay doonayaan inay ku difaacaan Maayarada ka baqaya Mooshinkan.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wakiiladda la horkeenay Mooshin ay dhawr iyo afartan xildhibaan soo saxeexeen, kaasoo tiradii cod ka qaadista Maayarada oo sadex daloolow laba Meelood halkii ay ka ahayd kaga dhigayaan in lagaga qaadi karo kala badh iyo Hal-dheeri tirade Golayaasha Deegaanada.

Mooshinkan oo si xawli ah ku socda isla markaana ay tiro badan oo xildhibaano ahi soo saxeexeen ayaa tan iyo markii Golaha laga hor akhriyey waxa ku bilaabmay olole ka dhan ah in goluhu meel mariyo, waxaanay siiyaasiyiin isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano bilaabeen inay xildhibaanada la dhex galaan kala qaybin iyagoo u maraya sifo kasta oo ay ku burburin karaan Xildhibaanada Mooshinka keenay.

Sida muuqata Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa iyana dhinacooda dedaal balaadhan ka wada kaasoo ay ku doonayaan inay ku meel mariyaan Mooshinka, waxaana soo baxaya durtaba in baayactan iyo kala jiidasho ay saamaysay kooxdii la soo saxeexday qaarkood, inkasta oo aan la hayn tirade ku soo biirtay Mooshinkooda iyo kuwa laga kaxaystay.

Xildhibaanada Mooshinka keenay Golaha ayaa ku doodaya inay doonayaan inay golayaasha deegaanka la simaan Golaha Wakiiladda oo si isku mid ah looga qaadi karo guddoomiyayaashooda, waxaanu Mooshinkoodu ka dhashay sida Xogaha laga helayaa sheegayaan amar diido ay Maayarada iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku sameeyeen Guddi hoosaadka qaabilsan si wax looga weydiiyo shaqada ay qaranka u hayaan.

Guddida ilaalinta Hantida qaranka oo beryahanba waday dedaal ay ku dabagalayso hantida ay masuuliyiinta qaranku maamulaan ayaa heshay warbixino Iftiiminaya inay Maayarada Golayaasha Deegaanku Boob iyo Musuq maasuq badan ku hayaan Dhulka Danta Guud iyo Dakhliyada ay maamulaan, kuwaas oo ay ka qayb qaataan Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanku.

Wasiiradda qaarkood iyo xildhibaanada Golaha wakiiladda xubno firfircoon oo ka mid ah ayaa la sheegayaa inay Maayarada ka qaateen Dhul badan oo dadka ay wakiilka ka yihiin loogu dhisi lahaa Cisbitaalo, Dugsiyo iyo goobo ay ku ciyaaraan, hase yeeshee taas bedelkeeda, waxa la hadal hayaa inay massuliyiinta qaarkood Carruurtooda ku qoreen qaybo ka mid ah dhulkaasi si aan loo ogaan.

Shir Akadamiyada Nabada iyo Horumarku dhawaan Burco ku qabatay oo lagaga hadlay dhulka ayaa lagu soo bandhigay in bililiiqo xad dhaaf ah ay maayarada Golayaasha deegaanku kula kaceen Dhulkii Danta Guud ahaa, waxaanay masuuliyiintii ka hadashay Fadeexada lagu Eedaynayo Maayarada qaarkood gaadhsiiyeen heer Quus ka ah dhulkii ay maamulayeen.

Si kasta ha ahaatee, Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ka tirsan ee Maayarada la safan ayaa maalmahanba la wareegayey Suuqyada iyo goobaha lagu qaxweeyo Liiska Xildhibaanadii saxeexay Mooshinka, kaasoo Sir ahaa, waxaanay ku kiciyeen Xildhibaanada kooxo ay soo abaabuleen si ay ugu dirqiyaan ka noqoshada Mooshinkan, waxaanay xildhibaanada lala  soo xidhiidhay sheegeen in loola dhaqmayo ama lala doonayo waxay diidan yihiin wax ka sii daran oo ah inay qaataan wax kasta oo ay dalbadaan, taas bedelkeedana ka noqdaan Mooshinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com