Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gogoshii Siilanyo ku baaqey oo saaka furmaysa,Halkayse ka furmaysa+Tirada Ergooyinka Xisbiyada iyo Xukumada Siilanyo uga qeybgeli doono iyo Magacyadooda

Sida ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qarannews Gogoshii Madaxweyne Siilanyo ugu baaqey sadexda xisbi qaran ayaa la filaya in ay saaka subaxnimada abaara 10:00 Am ka furanto Qolka shirarka Ambassador Hotel.

Gogosha ayaa sida xoggaha Qarannews heshay tibaxayaan waxaa furi doona madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci oo kelmado iyo Erayo kooban oo afka baarkiisa ah oo weliba loo soo laqimay oo daaran dooda Xukumada ee sharcinimada muddo kordhintii Guurtida ka odhan doona.

Taa ka sakow Sida Xogguhu sheegayaan ma jirto cid goobjooga oo ka socota Beesha caalamka oo xukumada siilanyo ku martiqaadey furitaanka Gogosha,loogamana fadhiyo xukumada Siilanyo wax tanaasuulaada iyo Rajogelina sidii madaxweyne Siilanyaba ku sheegay khudbadii uu akhriyey 18 may (Gogoshu waa Turxaan Bixin,Muddo kordhinta Guurtiduna waa Distoori).

Yeelkeede muraadka Gogosha ayaa Siyaasiyiinta u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyadu ku sheegeen in beesha caalamka lagu dawakhiyo Annagaa wadahadlayana ,Annagaa isku filan,Annagaa arimaha gudahayaga dhamaysanyna,Anagaa,Anagaa iyo Anagaa……Ha yeeshee wax intaas ka hooseeya oo miiska wadahadalka yaal ama Ajeedanaha xukumada Siilanyo wadato ee ku jiiqsiida ah dhaafsiisan lama hayo,wax u qarsoona hadalkeedaba daa!.

Xubnaha uga qeyb gelaya wadahadalka Gogosha Kulmiye ayaa lagu sheegay Muuse Biixi,Maxamed Kaahin,Wasiir Cali warancade iyo Baashe Muxumed faarax oo ah Gudoomiye-xigeenka Golaha wakiilada.

Sidoo kale xubanaha uga qeyb gelaya Xisbiga Ucid furitaanka Gogosha Ayaa la filayaa inay noqdaa Faysal Cali Waraabe,Naasir Qodax,Cali Guray iyo Xubin kale.

Xisbiga Waddani ayaa waxaa Gogosha furitaanka uga qeyb geli doona Cabdiraxmaan Cirro,Axmed Muumin Seed,Uurcade & Cabdirashiid Riyo-raac.

Isku soo wada duuboo gogoshan Ayaan laga filayn Rajo & Natiijo buuran oo qancisa Axsaabta mucaaradka,lagagana maarmo Beesha caalamka,waxaana la filayaa inay beenoobi doonto ,meeshana ka bixi doonto Qaaciido iyo Faan hada iyo jeer xukumadii talada Somaliland haysaa ku afgobaasdsato oo ah waxaanu ku soo caana maalay Dulqaad,Samir & isutanaasul.

xigasho qaran news

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com