Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta kormeer ku sameeyay Madbacad casri ah oo uu yeelanayo Wargeyska Dawlada DAWAN

Maanta Somaliland

Maanta Somaliland

, taas oo rakibaadeeda ay gacanta ku hayaan Injineero ajaanib ah oo khibrad u leh.

Guddoomiyaha Wargeysyada DAWAN Media group Md. Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay dedaalkii ay u galeen sidii ay Madbacadan dalka u keeni lahaayeen.

“Wasiir waxa farxad noo ah inaad nagala soo qaybgasho bilawga hawshii Madbacada Wargeyska DAWAN rakibaadeedii, Madbacadan oo muddo dheer hawshaad ogayd inagu qaadatay oo aynu tacab badan u galnay sidaynu dalka u keeni lahayn oo dhul faro badan u marnay taasna aakhirkii aynu ku guulaysanay, sidoo kale waxa jirtay oo aad markhaati ka ahayd in hawsha rakibaada Madbacadayadana wakhti iyo tacab badan ku bixinay, nasiib wanaag waxa farxad ah in Injineeradii rakibayay ee aqoonta u lahaa inay inala joogaan Mr Gomes iyo saaxiibkii. Waxaanu doonaynaa Wasiir hawshani waa bilaw ma dhamaanin furitaan maynaan gaadhin, waxaynu ku guulaysanay in aynu dalka keeno oo aynu soo helno Injineeradii inoo rakibi lahaa Madbacada inaad nagala soo qaybgasho oo kalmadaada aad ka tidhaahdid, iyadda oo wixii dambe ee warbixino ah aynu u dhigan doono Madbacadan hawsheeda, taariikhdeeda, iyo marxaladaheeda, maalinta furitaanka oo aan rajaynayo in aanay waxba inaga xigin sida uu inoo sheegay Injineer Gomes ay qaadan doonto muddo todobaad ah oo maalintaa wixii ka dambeeya aynu u dhigan doono furitaanka xaflada weyn ee Mishiinkan iyo Madbacada xaflada aynu u samayn doono.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha DAWAN Media group

126

Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isna sheegay in Madbacadani ay qaban doonto adeegyada kala duwan ee ay Madbacaduhu qabtaan, waxaanu yidhi “Sidaa Guddoomiyaha DAWAN Media group sheegay Madbacdan tacab badan baa ku baxay inay halkan timaado, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha aynu sannadkan qabanay kuwa ugu muhiimsan, waana markii u horaysay ee Wasaarada Warfaafintu Madbacad iskeed u leedahay ay keensato, gaar ahaana DAWAN group oo Wargeyskaasi ay ku suntanaato, laakiin Madbacadani shaqada ay qabanaysaa ma noqon doonto inay Wargeyskaas oo keliya ay daabacdo waxay qaban doontaa adeegyada tirada badan ee kale ee dalka yaala ee Madbacaduhu qabtaan mid la mid ah, hadday dawlada noqon lahayd iyo hadday mid gaar ah noqon lahaydba.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiirka Warfaafintu waxa uu intaas ku daray “Waxaanu isku dayaynaa in aanu dhiirigelinta saxaafada madaxbanaan uga faa’idaysano oo aanu qayb ka siino, waanu caawin doonaa saxaafada madaxabanaan oo anaga oo shaqadii kale ee Madbacadaha madaxbanaani hayeen iyo faa’idadii ay ka helijireen ku xadgudbayn, cidnaba anagu ma doonayno shaqo ay haysteen fadhiisato oo gacanta dawlada oo la tartantay ay kaga fadhiisato, taana waanu dhiirigelinaynaa inay Madbacadahaasi shaqeeyaan tana inay wax inoo soo kordhay noqoto oo ay shaqayso ayaynu xeer u samayn doonaa, xeerkaas ayaanay shaqada ku bilaabi doontaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com