Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guud ahaanba xarumihii diiwaangalinta ee dalka ayaa albaabada laysugu dhuftay kadib markii shaqaalihii goobahaas labadii bilood ee ugu danbeeyay aan la siin wax mushahar ah.

Guud ahaanba xarumihii diiwaangalinta ee dalka ayaa albaabada laysugu dhuftay kadib markii shaqaalihii goobahaas labadii bilood ee ugu danbeeyay aan la siin wax mushahar ah.

sax1-640×400

Wasaarada arimaha gudaha ayaa shaqaalahan qaadatay kuwaas oo ku dhaw shanboqol oo ka mid ah ardaydii jaamacadaha dalka waxaanay ka hawlgalisay gobalada Maroodi-jeex,Awdal,Saaxil,Togdheer iyo Ceerigaabo.

Shaqaalahan iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyay ahaa kuwo madaxa iskula jira waxaanay xabsiga u taxaabtay lix shaqaalahaas ka mid ah oo midkood wali xabsiga ku sii jira, sida oo kale wasaaradaha arimaha gudaha iyo maaliyada ayaa shaqaalahaas u sheegay in aanay wax dhaqaale ah u ahayn iyada oo wasaaradiba wasaarada kale ay ku riixday.

Gudi shaqaalahaas diiwaangalinta muwaadiniinta Somaliland ay iska saareen oo ka kooban 27 xubnood ayaan ilaa hada u muuqata mid aan helin cid u soo istaagta iyo halkii shaqaalahaasi uu u raaci lahaa mushaharkiisa. Waxa xusid mudan in shaqaalhii degmooyinka Hargeysa hoosyimaada ay magaaladda ugu soo xaroodeen lacag la’aan soo food saartay.

XIGASHO WAAHEEN

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com