Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SARKAAL U HADLAY WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO BEENIYAY WARAR SHEEGAAYEY IN LA JOOJIYEY DIIWAAN-GELINTA MADANIGA AH

Agaasimaha Goboladda dhaqanka iyo siyaasada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Xasan Cawaale Ayaa beeniyey warka ay qortay jariirada Waaheen, Cadadkii 1612, 21/may/2015/ maanta,kaasi oo wargeysku ku sheegay in gabi ahaanba albaabada loo laabay Diwaangalintii madaniga ahayd, ee ka socotay goboladda iyo degmooyinka dalka Somaliland.

cali xasan cawaale

Agaasimaha oo arrintan kaga hadlay qoraal kooban ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in diwaangalintii madaniga ahayd alabaabada loo laabay, isagoo ka hadlaya arrintana waxa u yidhi:

Sida la ogsoonyahay, mudo ku siman 7 bilood ayey dalka ka socotaa diwaangalinta madaniga ahi, taasi oo si habsami ah uga socotay isla markaana bilaash ahayd, haddaba wararka ay

qoreen wargeysaka waaheen ee ah in diwaangalinti albaabada loo laabay wa warar aan sal iyo raad toona lahayn oon waxba ka jirin, wargayskuna si khaldan ayuu u fahmay diwaangalinta madaniga ah waayo diwaangalinta madaniga ahi maha mid joogsanaysa waligeed, ee waa mid mar kasta u furan muwaadinka, oo uu ka heli karo gobol kasta oo laga bilaabay diwaangalinta.

Wargeysku fikir qaldan ayuu ka haystaa diwaangalinta madaniga ah gobolada uu sheegay in laga laalabay diwaangalinti, waa goboladii laga bilaabay diwaangalinta ugu horayn sida gobolka mjeex, awdal, saaxil, gabiley, iyo hawd, kuwaasna lagama laalaabin diwaangalintii balse waxa lagu wareejiyey Dawladaha hoose ee Degmooyinka, oo ay ka heli karaan muwaadiniinta aan is diwaangalin, madaama ay mudo dheer si lacaglaan ah uga socotay goboladaas, waxa la laabay Goobihii badnaa eek u baahsana guud ahaanba degmooyinka, sidii qorshuhu ahaana Waxa lagu wareejiyey Dawladaha hoose ee degmooyinka, halka gobolada bari ay si toosa uga socoto, muwaadiniintuna isaga diwaangalinayaan.

Markaa wargeysku maha sida uu sheegay ee waa si ka gadisan, diwaangalintuna waa mid joogto ah oo aan istaagi doonin abid.

Dhinaca kale agaasimuhu waxa u sheegay in ay shaqaaluhu leeyihiin mushahar laba bilooda, isagoo arrintan faahfaahinaya waxa u sheegay in shaqaaluha diwaangalintu mudo dheer oo ay diwaangalintu socotay qaadanayeen mushaharadooda, ayadoo waliba bil kasta inta aanay buuxsamin si habsami ah mushaharadooda loogu diri jiray mid dhaw iyo mid dheerba, balse labadan bilood ee u danbeeyay ee aanay mushahar helin shaqaaluhu, ay sabab u ahaayeen arrimo xaga durufaha dhaqaalaha , balse hadda insho Allah la siin doono Mushaharooyinkoodii oo ay heli doonaan, laakin se ma jirto cid ka dafirtay ama ka musuq maasuqday Mushaharkooda, wakhit aan fogayna insho Allah waa la siin doona.

Ugu danbeyn waxa uu sheegay agaasimuhu in hawsha diwaangalintu runtii maha hawl fudud,

Waynu ogayno diwaangalimihii hore ee caalamku baaxadii dhaqaale eek u bixi jiray, ayadoo waliba aanay noqon kuwo ina anafaca.

Haddaba kharashaadka diwaangalintan waxa uu la mid yahay kuwaa hore, oo aanay cidina inaga caawin, balse waa mid anfacaysa bulshada oo si rasmiya u shaqaynayasa bulshaduna kaga bixi doonto baahidii loo qabay aqoonsiga muwaadinka , markaa madaama dhaqaalaha wadankeenu ahayn mid sidaa u buuran hawshana ay baaxadeeda iyo kharashkeeda leedahay dee waxa halkanba lagu soo gaadhsiiyey dedaal iyo farsamo ayey ahayd, hadan tii uunba la wada, ee waa in dulqaadkeeda aynu lahaano oo aan laga dhigin ceeb iyo cambaarayn iyo mawduuc lagu duudsiyayo Xuquuq shaqaale, balse loo fahmaa inay tahay arrimo farsamo oo duruufaha dhaqaale ku timid, dhawaana insho Allah ay heli doonaan shaqaaluhu Mushaharooyinkooda, laakiin waxaan u sheegay bulshada reer Somaliland in ay socoto diwaangalintu isla markaana ay muwadiniintu mar kasta heli karaan gobolkasta iyo degmo kaystaba, isla markaana aanay suurto gal ahayn in ay istaagto ama la joojiyo.

CALI XASAN CAWAALE

AGAASIMAHA WAAXDA GOBOLADA DHAQANKA IYO SIYAASADA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com